FAQ (Su’aalaha Inta Badan La Isweydiiyo)

Caymiska Caafimaadka

Caymiska caafimaadku wuxuu uu ku kala duwan yahay heshiiska shaqada ee laguugu dabaro. Wixii su’aalo gaar ah, la xiriir Waaxda Shaqada iyo Shaqaaleynta ee shirkadaada ama Xarunta Macluumaadka Xubnaha ee midowgeena lambarka 206-448-7348.

Goormee ayaan xaq u yeelan karaa caymis caafimaad?

Nadiifiyeyaasha lagu dabaro Heshiiska Wayn ee Degmada King: adiga iyo xubnaha qoyskaaga ayaa lagu dabari karaa caymis caafimaad kadib markaad shaqeyso 1040 saacadood, ama qiyaastii 6 bilood oo wakhti buuxa ah. Waa inaad iska diiwaan geliso caymiska aad la bilabayso loo-shaqeeyahaaga. Khidmaddaha caymiska bil’laha ah waxaa 100% bixinaya loo-shaqeeyaha; xubanaha ayaa mas’uul ka ah khidmada adeega ceymiska iyo haraaga lacag jarista kadib

Dhammaan xubnaha SEIU6: la xiriira Waaxda Shaqada iyo Shaqaaleynta ee shirkadaada si aad wax badan uga ogaato dheefahaaga caafimaadka.

Sidee ayaan u codsadaa caymiska caafimaadka?

Nadiifiyeyaasha lagu dabaro Heshiiska Wayn ee Degmada King: marka aad shaqaysaan 1040 saacadood, waxaad u baahan doontaan inaad buuxisaan foomka diiwaangelinta daryeelka caafimaadka ee adiga iyo xubnaha qoyskaaga. Waxaad kala soo dagi kartaa foomka halkan, waxaad ka codsan kartaa Waaxda Shaqada iyo Shaqaaleynta ee shirkadaada ama waxaad wici kartaa midwgeena si mid boostada laguugu soo diro: 206-448-7348

Dhammaan xubnaha kale ee SEIU6: la xiriira Waaxda Shaqada iyo Shaqaaleynta ee shirkadaada si aad wax badan uga ogaato dheefahaaga caafimaadka.

Goormee ayaa kaararkayga la iigu soo diri doonaa boostada?

Nadiifiyeyaasha lagu dabaro Heshiiska Wayn ee Degmada King: marka aad shaqaysaan 1040 saacadood oo aad buuxisaan foomamka diiwaangelinta daryeelka caafimaadka, xaqiiji inaad u dirto Northwest Administrators. Waxaad ku samayn kartaa midan adiga oo u maraya midowgeena oo wacaya 206-448-7348, u sii maraya HR-ka shirkaddaada ama inaad si toos ah ugu dirto foomamkaaga Northwest Administrators:

Northwest Administrators
2323 Eastlake Ave E
Seattle, WA 98102

Marka ay foomamkaaga helaan Northwest Administrators, waxaad ka filan kartaa kaararkaaga boostada dhowr toddobaad gudahooda.

Dhammaan xubnaha kale ee SEIU6: la xiriira Waaxda Shaqada iyo Shaqaaleynta ee shirkadaada si aad wax badan uga ogaato dheefahaaga caafimaadka.

Waa goormaa mushahar kordhintayda xigta? Meeqo ayay noqon doontaa?

Wixii faahfaahin gaar ah ee ku saabsan mushahar kordhinta shirkaddaha gaarka ah fadlan la xiriir MRC iyaga ayaana ku siin kara macluumaadkaas sidoo kalana ku siin kara nuqulka heshiiskaaga.

Mushaharka Fasaxa Jirrada

Way ku mahadsan yihiin shaqaalaha sida xubnaha SEIU6 ee abaabulay fasaxa jirada ee mushaharka leh, dhammaan shaqaalaha Washington waxay helaan mushaharka fasaxa jirrada. Mushaharka fasaxa jirrada wuxuu ku uruuraa sicirka 1 saac 40 saacadood oo kasta oo la shaqeeyay waxaana loo isticmaali karaa in qofka uu isku daryeelo ama ku daryeelo xubin qoyska ka mid ah, in lagu booqdo dhakhtarka ama xubin qoyska ka mid ah dhaktarka lagu geeyo, ama in badqab looga raadsato xadgudubka guriga. Shirkaddaha badankood waxay u baahan yihiin ogeysiis 4 saacadood ah in lagu soo wargeliyo jirrada si xaq loogu yeesho wakhtiga jirada ee mushaharka leh.

Sharciyada ku saabsan lacag bixinta mushaharka fasaxa jirrada ee dhamaadka sanadka ayaa kala duwanaan kara marka loo fiiriyo heshiiska gorgortanka lagu galay. Ka eeg Heshiiskaaga Gorgortanka Lagu Galay (CBA) ama ka wac Xarunteena Macluumaadka Xubnaha 206-448-7348 si aad u hesho faahfaahin dheeraad ah ee ku salaysan shirkaddaada iyo goobtaada shaqada.

Waxaan rabaa inaan fasax qaato si aan ilmo u dhalo/u daryeelo xubin qoyska ka mid ah oo jirran/u yeesho qalliin caafimaad. Miyaan xaq u leeyahay wahktiga fasaxa mushaharka leh?

Fasaxa Qoyska iyo Caafimaadka ee Mushaharka leh, ama PFMLA, waa dheef ay heli karaan shaqaalaha Washington ee ka shaqeeyay 820 saacadood gobolka sannadka la soo dhaafay. Guji halkaan si aad wax badan u ogaato oo aad u aragto haddii aad xaq u leedahay: https://paidleave.wa.gov/ Ama wac: 833-717-2273

Waxaan qorsheynayaa inaan hawlgab nodqo. Lacag hawlgab intee dhan ayaan filan karaa?

Nadiifiyeyaasha lagu dabaro Heshiiska Wayn ee Degmada King waxay helaan lacagta hawlgabka oo ay qaadani karaan markay hawlgab noqdaan. Si aad u hesho warbixin ku saabsan lacagtaada hawlgabka, ka wac Northwest Administrators lambarka 206-329-4900.

Dhammaan xubnaha kale ee SEIU6, la xiriira Waaxda Shaqada iyo Shaqaaleynta ee shirkadaada si aad wax badan uga ogaataan dheefahiina hawlgabka.

Waxaan shaqo cusub ka raadinayaa nadaafadda, ammaanka ama garoonka diyaaradaha, waxaanan rabaa inaan hubiyo inay noqoto mid midow. Waa kuwee shirkaddaha aan ka codsan karo?

Guji halkan si aad u hesho liiska Qandaraaslayaasha Mas’uulka ah ee deegaankeena ee leh shaqooyin hoos taga heshiisyada midowga SEIU6. https://seiu6.org/responsible-contractors/

Wax ayaa ka khaldan jeeggayga mushaharka. Maxaan sameeyaa?

Haddii aad khalad ku aragto jeeggaaga mushaharka, la xiriir Waaxda Shaqada iyo Shaqaaleynta ee shirkadaada talaabada koowaad. Haddii HR-ku uusan kuu soo jawaabin ama haddii aad ku qanci waydo xalkooda, kala xiriir Xarunteena Macluumaadka Xubnaha lambarka 206-448-7348.

Sideen ula xiriiraa qabanqaabiyahayga?

Ka wac Xarunteena Macluumaadka Xubnaha lambarka 206-448-7348 si laguugu xiro qabanqaabiyahaaga. Waxaad codsan kartaa inaad kulan fool-ka-fool ka ah la yeelato qabanqaabiyahaaga ama aad u qorshayso booqashada goobta shaqada adiga iyo dadka kula shaqeeyo.

Maxaan sameeyaa haddii shaqada la iga eryo, warqad la iga qoro ama aan wajaho tallaabo edbin ah?

Ka soo wac Xarunteena Macluumaadka Xubnaha isla markaaba lambarka 206-448-7348. Fariin noo reeb haddii ay tahay xilliga aan shaqada jirin. Wakhtigu waa muhiim maadaama CBA kastaa leeyahay tilmaamo ku saabsan muddada aad haystao si aad u xerayso cabasho. Eeg CBA-gaaga si aad wax badan uga ogaato wakhtiga u cayiman cabashadaada.

Loo-shaqeeyahayga wuu i takooraa. Maxaan sameeyaa?

Takooridda goobta shaqada waa sharci-darro, marka ma ahan inay xubnaha SEIU6 kaligood wajahaan. Haddi aad dareento in laguugu takooray sababo la xiriira isir, lab iyo dhedig, diin, naafanimo, da’, xaalada uur, dhalasho ama aargoosi inaad hadashay aawadeed, ka wac midowgeena lambarka 206-448-7348 si loo go’aamiyo tallaabooyinka xiga.

Waxaan dhibaatayn galmo kala kulmayaa goobta shaqada. Maxaan sameeyaa?

Dhammaan shaqaalaha waxay mudan yihiin goob shaqo oo badqab ah kana fog dhibaatayn galmo. Haddii uu qof jir ahaan kuu waxyeelleeyo, wac booliska. Haddii aad dhibaatayn galmo la kulanto, ka wac midowgeena isla markaaba lambarka 206-448-7348. Dhibaataynta galmada waxaa ka mid ah dabeecadda aan la jeclaysanin ee diiradda saaraysa jinsiga ama lab iyo dhedigga waxaana ka mid noqon kara sheeko aan la rabin, fariin qoraal ah, telefoon, hanjabaada ama codsiyada galmada. Xubnaha SEIU6 ma ahan inay wajahaan midan kaligood.

Waxaan leeyahay kormeere aflagaado badan. Maxaan sameeyaa?

Kormeerayaasha aflagaada badan waxay abuuraan jawi shaqo oo colaadeed. Haddii adiga ama kuwa kula shaqeeya aad la shaqaysaan kormeere aflagaado badan, kala xiriira Xarunteena Macluumaadka Xubnaha si loo go’aamiyo tallaaboyinka xiga lambarka 206-448-7348

Waxaan awood ku leenahay wadajirka.