Faa’iidooyinka Xubnaha

Midowyada Waxay Ilaaliyaan Shaqaalaha

Iyada oo leh awooda wadajirka ah ee in ka badan 9,000 oo xubna ah, SEIU6 waxay ka caawisaa shaqaalaha inay ilaaliyaan xuquuqahooda oo ay cadaalad ku helaan goobta shaqada. Midowgu wuxuu ka shaqeeyaa inuu u gorgortamo mushaharka, dheefaha, xaaladaha shaqada, iyo kuwa kale oo badan, waxaana xaqiijinaa in loo-shaqeeyeyaasha ay u hoggaansamaan heshiisyadooda. Tusaalooyinka taageerada Midowga:

  • Wax dhib ah ma kala kulantaa shaqada? Waxaad ka codsan kartaa wakiilkaaga SEIU6 inuu ku caawiyo.
  • Wax su’aal ah ma ka qabtaa heshiiskaaga? Waxaan diyaar u nahay inaan kaa caawino inaad jawaabo u hesho.
  • Ma u baahan tahay in dheefahaaga lagaa caawiyo? Waxaan kuu tilmaami karnaa halka saxda ah.

SEIU6 ayaa halkan diyaar kuugu ah.

XUQUUQAHA XUBINTA MIDOWGA

Xubnaha SEIU6 waxay xaq u leeyihiin ilaalada iyo matalaada Midowga sida lagu dammaanad qaaday heshiiskaaga shaqo.

U DHAQDHAQAAQIDA SIYAASADDA

SEIU6 waxay la shaqaysaa xubnaheena si loogu dagaalamo sharciyo iyo qaynuuno ilaaliya shaqaalaha.

Wax badan ka ogow

WARARKA IYO MACLUUMAADKA UGU DANBEEYAY

Waxaan la socodsiinaa xubnaheena wararka iyo macluumaadka ugu danbeeyay ee saameeya xuquuqaha shaqaalaha ee shaqada.

Wax badan ka ogow

CADDAALADDA NADIIFIYEYAASHA

Nadiifiyeyaasha Midowga waxay ku guulaysanyaan heshiisyo taariiikh ah, oo u kordhinaya mushaharada qoysaska, sidoo kale sare u qaadaya heerarka bulshada.

Wax badan ka ogow

U ISTAAG AMMAANKA

Saraakiisha ammaanka waxay taageeraan shaqooyinka noo ogolaanaya inaan si adag uga shaqeyno guryo hufan, daryeel caafimaad oo tayo leh, nafaqo ku filan, helitaanka waxbarasho, iyo hawlgab sharaf leh.

Wax badan ka ogow

MIDOWGA SHAQAALAHA GAROONKA DIYAARADAHA

Waxaan nahay kuwa gacanta ku haya boorsooyinka, nadiifiyeyaasha diyaarada, kaaliyeyaasha kursiga curyaanka, nadiifiyeyaasha, saraakiisha amniga, iyo shaqaalaha kale ee qandaraaska ka haysta garoonka.

Wax badan ka ogow

DHEEFAHA IYO QIIMO DHIMISYADA

Xubnaha midowga waxay heli karaan faa’iidooyinka sida caymiska, qorshayn maaliyadeed, qiimo dhimista lacagta kaydisa ee safarka iyo dukaamaysiga, iyo wax kale oo badan.

Waxaan awood ku leenahay wadajirka.