Demetrus wuxuu ku jiray shirkadda ammaanka in ka badan 15 sano isaga oo la shaqeynayay Star Protection Agency. Kahor inta uusan noqonin sarkaal amni, Demetrus wuxuu qayb ka ahaa Barnaamijka Tabbabarka Bilayska ee Dhalinta ee Waaxda Bilayska ee Seattle, halkaas oo uu ku bartay xeeladaha bilayska ee uu u isticmaalo shikadda amniga. Demetrus wuxuu ka mid ahaa kooxdii SEIU6 ee ka shaqaysay in la nidaamiyo amniga Seattle, iyo in ay ku guulaystaan qandaraaskoodii ugu horeeyay. Wuxuu ka mid ahaa labo koox oo kuwa gorgortanka ah wuxuuna xubin ka yahay guddiga siyaasadda, wuxuuna aaminsan yahay inay muhiim tahay in midowga laga sii shaqeeyo. Demetrus waa taageere isboortiga aad u xiiseeya oo jecel Seahawks, Mariners, Sounders iyo Cougars, wuxuuna sugi la’yahay inta ay Kraken ka bilaabayso inay ciyaarta. Demetrus iyo xaaskiisa waxay wadaagaan afar gabdhood, Serenity, Hannah, Isabel iyo Xayvion. Waxay degan yihiin Kent.