Jadwal taariikheedka munaasabadaha

Nov1

Contract Negotiations Begins for SeaTac Passenger Service Workers

When:
Where:Ste 102, SeaTac, WA 98188

Shaqaalaha SeaTec waxay dhigeen taariikh 2013-ki marka aan isku soo biirnay si aan u meel marino Sharciga soo-jeedinta 1, kaas oo sare u qaaday kana dhigay joornaatiag ugu yar $15/saacadiiba sidoo kalana xaqiijiyay xuquuqaha midowga ee garoonka diyaaradaha. Kaliya ma aanan kicinin dhaqdhaqaaq qaran oo lagu doonayo mushahar sare loo qaado, waxaan sidoo kale kor u qaadnay heerarka qoysaskeena iyo bulshadeena. Lacag ka mid noqon lahayd faa’iidooyinka ayaa hadda ku haraysa gacanta shaqaalaha.

Shaqaalaha adeegga rakaabka ee SeaTac ayaa furo u ah dhaqaalaha gobalkeena. Sanadki 2017-di, shaqaalaha adeegga rakaabka:

  • Waxay u shaqeeyeen ku dhawaad 47 milyan oo rakaab ah oo ku soo caga dhigtay ama ku duulayay 416,124 diyaaradood
  • Waxay ku soo biiriyeen qiyaas ahaan $22.5 bilyan hawlaha dhaqaale ee Gobalka Washington
  • Waxay ka abuureen qiyaas ahaan $274 milyan hawlaha dhaqaale ee Magaalada Tukwila
  • Waxay ku soo biiriyeen qiyaas ahaan $138 milyan hawlaha dhaqaale ee Magaalada Burien

Waxaan awood ku leenahay wadajirka.