Ku saabsan SEIU6

9,000+ Xubno oo Xoogan

SEIU6 Property Services NW proudly represents a diverse workforce of more than 10,000 janitors, security officers, airport passenger service workers and allied industries workers in Washington state. SEIU6 also represents stadium workers, and barbers. By joining together, our members have a better chance to get the wages, benefits and opportunities they deserve.

Xubnaha SEIU6 badankood waa muhaajiriin ku hadla luuqadaha sida Isbaanish, Soomaali, Fiyatnaamiis, Amxaari, iyo kuwa kale. Waxaa naga go’an inaan xaqiijino in dhammaan xubnaha ay helaan macluumaadka ay u baahan yihiin si xuquuqahooda loo ilaaliyo.

SEIU6 waxaa aasaasay koox ka mid ah nadiifiyeyaasha masraxa Seattle waxayna noqotay mid ka mid ah midowyada deegaanka asalka ah ee Service Employees International Union ee 1921kii. SEIU waxay matashaa in ka badan laba milyan oo shaqaale adeeg ah oo ku sugan Waqooyiga Maraykanka waxayna ku faantaa inay leeyihiin xubnaha iyo hoggaanka ugu kala duwanaanshaha badan ee Dhaqdhaqaaqa Shaqaalaha.

HADAFKEENA

SEIU6 waxay awood u siisaa shaqaalaha inay cadaalad ku dalbadaan goobta shaqada, iyo inay u dhisaan dhamaanteen mustaqbal barwaaqo ah, siman, oo sugan. Waxaan nahay urur dhaqamo badan leh, luqado badan ku hadla oo ku dadaala caddaaladda jinsiyadeed iyo mid bulsho iyada oo loo marayo waxqabad wadajir ah.

Waxaan hadafkeena ku gaadhnaa:

Inaan dhiirigelino, tabbabarno, oo aan taageerno xubnaha si ay u noqdaan codka iyo hoggaanka midowgeena

Inaan dhisno xubinnimo midaysan oo xog ogaal ah oo si firfircoon uga qayb qaadan doonta noolasha midowgeena

Inaan ka shaqayno inaan ku ballaarino dheefaha xubinnimada midowga shaqaalaha adeegga ee aan abaabulnayn iyo inaan la wareegno maamulka shirkadaheena iyo suuqa shaqaalaha si loo ilaaliyo faa’iidooyinka iyo ammaanka sida adag loogu dagaalamay ee xubnaheena

Inaan u gorgortono heshiisyada lagu dhiso midow xoogan iyada oo wax laga baddelayo mushaharada xaaladaha shaqada iyo iyada oo la ballaarinayo doorka xubnaha ee go’aan qaadashada goobta shaqada

Inaan abuurno awood siyaasadeed si aan u xaqiijino in codadka shaqaalaha laga maqlo heer kasta oo dawladda ah

Inaan diyaarino fursado dhaqaale iyo inaan kobcino caddaaladda bulshada

Inaan isbahaysi la samaysano oo aan si wadajir ah ula shaqayno ururada kale ee nala wadaaga walaacayadeena ku saabsan cadaalada jinsiyadeed, bulsho iyo mida dhaqaale

Waxaan awood ku leenahay wadajirka.