Qaanuunka Arrimaha Khaaska ah

SEIU waxay si wayn u aaminsan tahay muhiimaada ay leeyihiin arrimahaaga khaaska ah. Qaanuunka Arrimaha Khaaska ah wuxuu qeexaa sida SEIU ay ula dhaqanto macluumaadka gaarka ah ee aynu ku helno websaydhka SEIU (“websaydhka”) iyo waxa aan ka samayno macluumaadkaas. Markaad isticmaasho ama aad gasho Websaydhka, waxaad raali ka tahay dhaqamada lagu qeexay Qaanuunkan Arrimaha Khaaska ah. Bayaankan Arrimaha Khaaska ah wuxuu khuseeyaa oo kaliya macluumaadka onleen ahaan looga aruuriyay Websaydhka mana qeexayo qaababka aan ku aruurino ama u isticmaalno macluumaadka offleen ahaan lagu helo ama qaab kasta oo kale oo aan ahayn websaydhkeena ama hay’ad kale. Waxaan wax ka baddeli karnaa Qaanuunkan Arrimaha Khaaska ah waqti walbo.

Sida, Goorta, iyo Sababta Aynu u Aruurino Macluumaadka

  • Xogta aan kaa uruurino marka aad isticmaalayso websaydkeena. Waxaad eegi kartaa waxa ku jira Websaydhka adiga oo aan isdiiwaangelinin ama aan bixinin macluumaad gaar kuu ah. Marka aad Websaydka ka soo gasho kombayutarka, tablet-ka, app-ka, teleefoonka gacanta, ama bog kale oo internet, waxaan isticmaalnaa qalab dabagal ah oo kala duwan si aan u ururino macluumaadka sida nooca birowsarkaaga iyo nidaamka shaqeeyada kumbiyuutarka iyo ciwaanka IP-ga si aan sare ugu qaadno khibradaada Websaydhka, aan ugu hoggaansano sharciyada khuseeya, iyo si aan ula socono isticmaalka guud ee Websaydhka. Macluumaadka naloogu soo diro Websaydhka waxaa ka mid ah, balse aan ku xaddidnayn, kuwan soo socda: xogta ku saabsan boggaga aad gasho, cinwaanka IP-ga kombayutarka, aqoonsiga aaladda ama aqoonsiga gaarka ah, nooca aaladda, macluumaadka juqraafiga, macluumaadka kombayutarka iyo intarnetka, macluumaadka shabakada hawada ee taleefonka, tirooyinka booqashooyinka boggaga, isticmaalka boggaga, URL-ka gudbinta, xogta xayaysiiska, iyo xogta xusuus qorka websaydka ee caadiga ah iyo macluumaad kale. Waxaan sidoo kale ururinnaa macluumaad qarsoodi ah innaga oo adeegsanayno cookies-ka iyo web beacon-ka, iyo tiknoolajiyada kale oo la mid ah.
  • Markaan Anaga Kula Soo Xiriirno. Waxaan u isticmaali karnaa macluumaad kasta oo aad na siiso inaan kugula soo xiriirno.
  • Hawsha u Baahan Isdiiwaangelinta. Hawlaha qaarkood ee Websaydka sida ku biirista SEIU xubinnimada barka ah ayaa kaaga baahan inaad isdiiwaangeliso, kuwaas oo ku xiran qoddobada halkan lagu xusay. Si aad u noqoto adeegsade diiwaangashan, waxaan kaa dalbanaynaa inaad bixiso magacaaga, ciwaanka iimaylkaaga, lambarkaaga boostada, shaqadaada iyo loo-shaqeeyahaaga. Haddii aad go’aansato inaad isdiiwaangeliso, waxaan isticmaalnaa cookie joogto ah oo kaydiya macluumaad gaar ah si ay kuugu sahlanaato inaad soo gasho markaad ku soo noqoto Websaydka. Si kastaba ha ahaatee, ma jiri doono wax macluumaadkaaga gaarka ah oo lagu kaydin doono cookie-gaas. Intaa waxaa dheer, SEIU awood uma lahan inay aragto wixii lacag bixin ah ama macluumaad maaliyadeed oo lagu bixiyay Websaydkan.
  • Macluumaadka Isticmaalka. Waxaa laga yaabaa inaan kaydino macluumaadka ku saabsan isticmaalkaaga Websaydka, sida goorta aad isticmaasho bogga, aagagga bogga ee aad gujiso iyo/ama ka qaybqaadato, waxyaabaha aad raadiso, iyo haddii aad ku biirto RSS feed iyo haddii kale. Cookie joogto ah ayaa loo isticmaali karaa in lagula socdo macluumaadkan, balse lama socon doono macluumaadka maaliyadeed ee la geliyey. Waxa laga yaabaa in aan isticmaalno calaamadaha pixel-ka iyo/ama xiriiriyeyaasha lala socon karo ee iimaylada HTML ku shaqeeya ee loo diro adeegsadayaasheena si aan ula soconno iimaylada la furay iyo/ama uu gujiyay qofka helay. Intaa waxaa dheer, haddii aad doorato inaad noo fasaxdo macluumaad gaar ah oo ay kaydinayaan qolo saddexaad sida baraha bulshada (tusaale, Facebook iyo Twitter), markaa waa inaad ogaataa in macluumaadka aynu helno ay ku kala duwan yihiin bogga oo uu xakameeyo boggaas. Markaad la xiriiriso akoon ay maamusho cid saddexaad isticmaalka Websaydka waxaad u ogolanaysaa SEIU inay hesho macluumaadkan, waxaadna ogolaatay in SEIU ay ururin karto, kaydin karto ayna isticmaali karto macluumaadkan si waafaqsan Qaanuunka Arrimaha Khaaska ah.
  • Ra’yi uruurinta iyo Sahanada. Wakhti ka wakhti, waxaan qaban karnaa ra’yi uruurin iyo sahano. Macluumaadka lagu soo uruuriyay ra’yi uruurinta, sahanada, xog-uruurinta waxaa lo isticmaali doonaa si guud, inaan ku soo wacno ma ahane oo kaa codano fasax si aan jawaabahaaga shaqsi ahaaneed ugu isticmaalno ujeedo gaar ah.
  • Si ula kac ah uguma uruurino wax macluumaad ah carruurta da’doodu ka yar tahay 13 jir.

Isticmaalka Macluumaadka Gaarka ah

  • Macluumaadka gaarka ah ee SEIU ay ku ururiso Websaydka wuxuu naga caawiyaa, gobolkayaga iyo xulufada midowga iyo hay’addaha la xiriira SEIU inaan si hufan oo wax ku ool ah u matalno xubnaheena, si aan u sii wadno ajandahayaga u doodista, oo aan bixino faa’iidooyin xubno oo qiimo leh.
  • Si aan uga mira dhalino yoolalkan iyo hawlahan, waxaan macluumaadka gaarka ah ee aan adiga kaa ururinay la wadaagi karnaa gobolkeena iyo xulufada midowga iyo hay’addaha kale ee la xiriira SEIU, iyo sidoo kale kooxaha saddexaad ee qabto adeegyada ay anaga nagu matalaan. Intaa waxaa dheer, iyada oo la raacayo sharciga ku habboon, waxaan la wadaagi karnaa mid kasta oo ka mid ah macluumaadka gaarka ah ee aan kaa aruurinay adiga kooxo saddexaad oo gaar ah oo aynu dan wadaagno. Ma wadaagi doono wax macluumaad maaliyadeed ah oo aad gelisay websaydkan in sharci ahaan nala faro ma ahane.
  • Waxaan u isticmaali doonaa cinwaankaaga iimaylka inaan kuugu soo dirno hawlaha iyo yaboohyada SEIU, ilaa aad iska xirto helitaanka farriimaha noocaas ah ma ahane. Waxaan sidoo kale u isticmaali doonaa cinwaankaaga iimaylka ujeedooyin maamul, sida in laguugu ogeysiiyo isbeddelada waaweyn ee Websaydka, in laguugu soo diro fariimaha la xiriira ficilada aad ka dhex samaysay bogga ama ujeedooyinka adeegga macaamiisha. In kasta oo aan rajaynayno inaad ka heli doonto oo aad u arki doonto kuwa waxtar leh wada xiriiradan, haddii dan ka helin, waad iska xiri kartaa wakhti walbo adiga oo raacaya tilmaamaha fudud ee ku jira iimayl kasta.
  • Marka aad inoo soo dirto iimayl ama wada xiriir kale, waxaa laga yaabaa inaan kaydino wada xiriirkaas si aan uga shaqayno su’aalahaaga, uga jawaabno codsiyadaada oo aan u horumarino adeegyadayada.
  • Waxaan isticmaalnaa macluumaadkaaga laguugu aqoonsani karo iyo macluumaadka aan laguugu aqoonsani karin labaduba (sida xogta adeegsida ee qarsoodiga ah, ciwaannada IP-yada, nooca birowsarka, xogta isticmaalka bogga, iwm.) si aan u wanaajino tayada adeegsigaaga iyo naqshadeynta Websaydka iyo si aan u hagaajino sifooyin cusub, shaqayn, iyo adeegyo inaga oo kaydinayna, daba-galayna, oo falanqaynayna dhaqanka, dookhyada, isbeddellada, iyo falalka adeegsadaha.

Qaababka Kale ee Shaacinta

Waxaa laga yaabaa in nalooga baahdo inaan shaacino macluumaadka adeegsadaha iyada oo la raacayo codsiyo sharci ah, sida amarka ka soo muuqashada maxkamadeed ama amarrada maxkamadda, ama si waafaqsan sharciyada khuseeya. Haddii aan helno amarka ka soo muuqashada maxkamadeed oo lagu codsanayo macluumaad adiga kugu saabsan iyo haddii aad na siisay cinwaankaaga iimaylka, waxaanu isku dayi doonaa inaan kugu ogeysiino amarka ka soo muuqashada maxkamadeed ciwaanka iimaylka aad bixisay. Intaa waxaa dheer, waxaan dhiibi karnaa akoon ama macluumaad kale marka aan aaminsanahay inay lagama maarmaan u tahay in loo hoggaansamo sharciga, inaan ilaalino danaheena ama dhismaheena, inaan ka hortagno khiyaamo ama falal kale oo sharci darro ah oo lagu sameeyo Websaydka ama iyada oo la isticmaalayo magaca SEIU, inaan ka hortagno waxyeello jireed, inaan dhaqan gelino Heshiiska Adeegsadaha, ama inaan ilaalino xuquuqaha, dhismaha ama badqabka soo booqdayaasha boggeena, xubnaheena, dadweynaha ama SEIU. Haddii ay dhacdo in SEIU (ama dhammaan hantideeda) lagu daro hay’ad kale, macluumaadka ku saabsan soo booqdayaasheena waxay ka mid noqon doontaa hantida la wareejinayo. Intaa waxaa dheer, SEIU ayaa awood siin karto adeegsadayaasha inay galaan Websaydhka iyaga oo isticmaalaya taleefonka gacanta, oo ka galayo midkood app-ka taleefonka ama websaydka taleefonka lagu hagaajiyay. Qodobada Qaanuunkan Arrimaha Khaaska ah waxay khuseeyaan dhammaan ka gelitaanka taleefonka iyo isticmaalka taleefonada gacanta ee noocaas ah. Marka aad soo dejisato ama aad isticmaasho app-yadeena taleefonka, ama aad gasho mid ka mid ah boggageena taleefonka lagu hagaajiyay, waxaan heli karnaa macluumaadka ku saabsan goobta aad joogto iyo taleefonkaaga gacanta, oo uu ku jiro aqoonsada gaarka ah ee taleefonkaaga. Waxaa laga yaabaa inaan u isticmaalno macluumaadkan si aan ku siino adeegyada goobta aad joogto ku saleysan, sida xayaysiinta, natiijooyinka raadinta, iyo macluumaadka kale ee la gaaryeelay. Taleefonada gacanta badankood waxay kuu oggolaanayaan inaad ka xakamayso ama aad ka xirto adeegyada goobta sheega qaybta safka dejinta taleefonka. Haddii aad qabto wax su’aalo ah oo ku saabsan sida loo xiro adeegyada goobta sheega ee taleefonkaaga, waxaan kugula talineynaa inaad la xiriirto shirkadda adeegga taleefonkaaga bixiso ama soo saaraha taleefonkaaga gacanta ee gaarka ah.

Ammaanka Macluumaadka iyo Daacadnimada Xogta

SEIU waxay qaadaa tillaabooyin ammaan si ay u ilaaliso gelitaanka aan la oggolayn ama wax ka beddelka aan la oggolayn, shaacinta ama burburinta xogta. Kuwani waxaa ka mid ah dib u eegista gudaha ee dhaqamadeena ururinta, kaydinta iyo ka shaqaynta xogta iyo tallaabooyinka amniga, iyo sidoo kale tillaabooyinka amniga ee dibadda si looga hortago gelitaanka aan la oggolayn ee nidaamyada aan ku kaydinno xogta gaarka ah.

Macluumaad Dheeraad ah

Websaydkeena wuxuu sidoo kale kuu fasaxi karaa inaad isticmaasho boggaga aan SEIU ahayn. Waxaa muhiim ah in la xasuusto in, haddii aad ka gasho bog aan SEIU ahayn Websaydkeena, ay ku qabanayaan qaanuunka arrimaha khaaska ah iyo heshiiska adeegsadaha ee kooxdaas. Waxaanu kugu dhiirigelinaynaa inaad wax ka barato qaanuunka arrimaha khaaska ah ee koox kasta oo saddexaad ka hor inta aanad siinin macluumaadka gaarka ah.

SEIU waxay xaq u leedahay inay beddesho Qaanuunkan Arrimaha Khaaska ah wakhti kasta. Waxaan soo dhigi doonaa boggan isbeddel kasta oo lagu sameeyo Qaanuunkan Arrimaha Khaaska ah, marka waxaan kugu dhiirigelineynaa inaad si joogto ah u eegto boggan. Isticmaalkaaga joogtada ah ee Websaydkan ka dib isbeddel kasta oo lagu sameeyo Qaanuunkan Arrimaha Khaaska ah ayaa ka dhigan inaad raali ka tahay isbeddelada noocaas ah.

Haddii aad wax su’aalo ah ka qabto Qaanuunkan Arrimaha Khaaska ah, Websaydka, ama akoonkaaga, fadlan xor ayaad u tahay inaad nala soo xidhiidho

Taariikhda Dhaqan Galka: Agoosto 2, 2018

Qoddobada Adeegga

Heshiiska Adeegsadaha

Ku soo dhowow Websaydhka SEIU. Fadlan si taxadar leh u eeg Heshiiskeena Adeegsadaha ka hor inta aadan bilaabin inaad isticmaasho bogga. Mahadsanid.

  1. Ogolaanshahaaga Ku soo dhawoow SEIU.org. Markaad isticmaasho iyo/ama markaad booqato Websaydkan, waxaad caddaynaysaa inaad oggoshahay (1) qodobaddan iyo shuruudahan ( “Heshiiska Adeegsadaha”) iyo (2) Qaanuunka Arrimaha Khaaska ah ee SEIU, ee halkaan la soo raaciyay si looga tixraaco. Haddii aadan oggolayn dhammaan qodobadda iyo shuruudaha ku jira Heshiiskan Adeegsadaha iyo Qaanuunka Arrimaha Khaaska ah, laguuma oggola inaad isticmaasho Websaydka. In kasta oo aan isku dayi karno inaan ku ogeysiino marka isbeddel weyn lagu sameeyo Heshiiskan Adeegsadaha, waa inaad mar mar dib u eegtaa nooca ugu danbeeyay. SEIU ayaa, iyada oo go’aankeeda leh, wax ka beddeli karta Heshiiskan Adeegsadahaa wakhti kasta. Inaad sii wadid isticmaalka websaydkan ka dib markaan soo dhigno isbeddelada noocan oo kale ah, waxaad ogolaatay inuu ku qabto Heshiiskan Adeegsadaha, sida loo beddelay. Iyadoo loo marayo boggageena, SEIU waxay adeegsadayaasha fursad u siisaa isticmaalka khayraad waxbarasho oo aad u badan, oo ay ku jiraan macluumaad la gaaryeelay. Waxaan rajeyneynaa inaad u arki doonto boggageena kuwo faa’iido leh. Waxaan xaq u leenahay inaan wax ka bedelno, hakino, ama joojino Websaydka ama bogag kasta oo la xidhiidha, ama qayb kasta oo iyaga ka mid ah, wakhti kasta, sabab kasta iyada oo aan ogaysiis hore laguu siinaynin. Waxaad oggoshahay inaanan mas’uul ka noqon doonin wax ka beddelka, hakinta, ama joojinta caynkaas ah. Macluumaadkaaga diiwaangelinta, iyo sidoo kale macluumaadka kale ee qof lagu aqoonsan karo ee aad kaga bixisay naftaada boggageena, waxay hoos imanayaan Qaanuunkeena Arrimaha Khaaska ah.
  2. Isticmaalka Guud ee Websaydka– Ogolaanshaha iyo Xaddidaadda SEIU waxay halkan fasax kuu siinaysaa inaad gasho oo aad isticmaasho Websaydhka sida lagu qeexay Heshiiska Adeegsadaha, waase haddii:
    1. Aadan ka uruurinin macluumaadka qofka lagu aqoonsan karo ee dadka kale, oo ay ku jiraan magacyada adeegsadaha ama ciwaanada iimaylka, Websaydka.
    2. Aadan u isticmaalin Websaydka ujeedo ganacsi adiga oo aan ogolaansho hore oo qoraal ah ka helin SEIU. Aad oggoshahay inaadan gudbinin ama aadan keenin wax xayaysiis ah, macluumaadka xayaysiin, iimaylka halka mar dadka loo wada diro oo aan la rabin ama codsiyo kale. Aad oggoshahay inaadan ka codsanin, ujeedo ganacsi aawadeed, adeegsade kasta ee Websaydka iyada oo loo eegayo waxyaabaha ay soo dhigaan Websaydhka.
    3. Aadan isticmaalaynin ama aadan bilaabaynin wax nidaam otomaatig ah, oo ay ku jiraan iyada oo aan xaddid lahayn “robots,” “spiders,” ama “offline readers” ee u gala Websaydka qaab u dira fariimo codsi oo fara badan adeegaha SEIU muddo cayiman marka loo eego bini’aadamku muddada wakgtiga uu si macquul ah ku soo saari karo isla muddadaas isaga oo isticmaalaya birowsarka internetka ee caadiga ah. In kasta oo ay jiraan waxyaabaha aan kor ku soo sheegnay, SEIU waxay u fasaxdaa hawlwadeennada matoorada raadinta dadweynaha sameeya inay isticmaalaan barnaamijka spider si ay wax ugu soo koobiyeeyaan bogga iyada oo ujeeddada keliya ee laga leeyahay ilaa iyo xadka kaliya lagama maarmaanka u ah in la sameeyo xog lambaraysan oo ay dadwaynaha heli karo ee agabka, laakiin ma aha kayd kumeelgaarka ah ama kaydinta agabka noocaas ah. SEIU waxay xaq u leedahay inay ka noqoto waxyaabahan ka reeban midkood si guud ahaan ama xaalado gaar ah.
    4. Aadan gudbinaynin ama haddii si kale loo dhigo aadan keenaynin wax kasta oo leh “fayras,” “worm,” “trojan horse,” ama koodh kasta oo kombuyuutar, fayl, ama barnaamijka loogu talagalay in lagu joojiyo, burburiyo, ama lagu xaddido shaqeynta barnaamij kasta oo kombuyuutar oo softiweer ama hardweer ah ama qalabka wada xiriirka.
    5. Aadan waxba ka beddelaynin ama si kala ka dhigaynin qayb ka mid ah Websaydka.
    6. Aadan daaf-wareegin, baabi’inin ama haddii kale aadan faragelinin sifooyinka la xidhiidha ammaanka ee Websaydka ama boggageena ama adeegayaashayada (ama khadadka ku xidhan Websaydhkeena).
    7. Aadan dhibaataynin, u hanjabin, ceebaynin, ama aadan ugu sababin murugo, dareenka aan loo baahnayn, ama raaxo la’aanta qof ama hay’ad ku jirta ama iyada oo loo marayo Websaydka ama hababkiisa wada xiriirka.
    8. Aadan gudbinaynin ama haddii si kale loo dhigo aadan keenaynin Websaydka wax kasta oo sharci darro ah, waxyeelo leh, hanjabaad ah, aflagaado ah, dhibaatayn leh, sumcad dil leh, afxumo ah, fisqi ah, nacayb ah, ama isir ahaan, qowmiyad ahaan ah, ama haddii kale diidmo ah, sida ay go’aamisay SEIU oo keliya.
    9. SEIU ay xaq u leedahay inay beddesho ama joojiso dhinac kasta oo ka mid ah Websaydka wakhti kasta, sabab kasta, iyada oo aan lagu ogeysiinin.
    10. SEIU ay xaq u leedahay inay hakiso ama joojiso gelitaanka adeegsadaha ee Websaydka, iyada oo aan horay loo ogeysiin oo ah go’aanka SEIU oo keliya.
    11. Liiskan oggolaanshaha iyo xaddidaadda, oo ay weheliyaan qoddobada kale ee hoos lagaga hadlay, aan loogu talogelin in la dhammaystirnaadaan, balse tusaale keliya ah. Waxaan xaq u leenahay xukunkayaga kaliya iyo kan kama dambaysta ah si aan u go’aamino in dhaqanku uu xadgud ku yahay shuruudaha anshaxa ee Websaydka.
  3. Isticmaalkaaga Waxyaabaha Ku Jira Bogga Xaddidaadahan iyo shuruudahan soo socda ayaa si gaar ah u khuseeya isticmaalkaaga waxa ku jira websaydka.
    1. Waxa ku jira Websaydka (oo aan ka ahayn Macluumaadkaaga Adeegsadaha), oo ay ku jiraan iyada oo aan ku xaddidnayn fariinta, softiweerka, qoraalada, sawirada, codadka, muusiga, muuqaalada, sifooyinka isdhexgalka ah iyo wixii la mid ah (si wadar ah “Macluumaadka SEIU”), waxaa iska leh ama shatiyayso SEIU. Sidoo kale, calaamadaha ganacsiga, calaamadaha adeegga iyo astaamaha ku jira Websaydka waxaa iska leh ama shatiyayso SEIU (“Calaamadaha SEIU”). Marka laga reebo sida kale ee lagu sheegay Heshiiska Adeegsadaha ama meel kale oo ka mid ah websaydka (tusaale, sharraxaadda ololaha), Macluumaadka SEIU iyo Calaamadaha SEIU lalama soo degi karo, lama koobiyeeyn karo, dib looma soo saari karo, lama qaybin karo, lama faafin karo, lama baahin karo, lama soo bandhigi karo, lama iibin karo, shati looma bixin karo, ama haddi kale loogama faa’iidaysani karo ujeedo kasta ha ahaato iyada oo aan oggolaansho hore oo qoraal ah laga helin SEIU. SEIU waxay leedahay dhammaan xuquuqaha aan si cad loo siinin Macluumaadka SEIU iyo Calaamadaha SEIU.
    2. Websaydka waxaa loo diyaariyay isticmaalkaaga gaarka ah, ee aan ganacsiga ahayn oo keliya. Iyada oo qayb ka ah isticmaalka noocaas ah, waxaad wax soo dhigi kartaa, ka soo dejisan kartaa iyo/ama ka daabacan kartaa bogga; waxaad wax ku xidhi kartaa Websaydka; sidoo kale waxaad macluumaadka Websaydhka u gudbin kartaa dadka kale si ay ugu isticmaalaan shakhsi ahaan, qaab aan ganacsi ahayn oo si macquul ah ula xidhiidha ujeedooyinka Websaydhka.
    3. Waxaad fahamsan tahay in marka aad isticmaalayso Websaydka, aad la kulmi doonto macluumaadka SEIU, Macluumaadka User, iyo macluumaadyada kooxaha kale ee saddexaad ee ka kala imaanayo ilo kala duwan, iyo in SEIU aysan damaanad qaadin sax ahaanshaha, faa’iidada, badqabka, ama xuquuqaha lanaansho ee ama la xidhiidha macluumaadka SEIU, Macluumaadka Adeegsadaha, iyo macluumaadka kooxaha kale ee saddexaad ee noocaas ah. Waxaa kale oo aad fahansan tahay oo qiraysaa inaad la kulmi karto Macluumaadka Adeegsadaha oo noqon kara qalad, aflagaado, anshax-xumo, ama diidmo, waxaadna ogolaatay inaad ka tanasusho, oo aad halkan uga tanaasulaysaa, wixii xuquuq kasta oo sharci ama sinnaan ah ama xal ah oo aad leedahay ama laga yaabo inaad ku eedeyso SEIU ee la xiriira waxyaabahaas la soo sheegay.
    4. Websaydhku waxa ku jiri kara xiriiriyeyaal lagu galo websaydyada kooxo saddexaad oo aysan lahayn ama maamulin SEIU. SEIU wax maamul ah kuma lahan, mana qaado mas’uuliyadda, waxyaabaha ku jira, qaanuunka arrimaha khaaska ah, ama dhaqamada websaydyada kooxaha saddexaad. Waxaan kugu dhiirigelineynaa inaad ka warqabto markaad ka baxayso Websaydka iyo inaad akhrido qoddobada iyo shuruudaha iyo qaanuunka arrimaha khaaska ah ee websaydh kasta oo kale oo aad booqato.
  4. Xeerka Dhawrista Xuquuqaha Lahaansho ee Wxayaabaha Dijitaalka ah (Digital Millennium Copyright Act) Haddii aad tahay mulkiilaha xuquuqda lahaansho ama wakiilkiisa oo aad aaminsan tahay in wax ka mid ah Macluumaadka SEIU ama Macluumaadka Adeegsadaha uu xadgudub ku yahay xuquuqdaada lahaansho, waxaad soo gudbin kartaa ogeysiis sida waafaqsan Xeerka Dhawrista Xuquuqaha Lahaansho ee Wxayaabaha Dijitaalka ah (“DMCA”) adiga oo ku siinaya Wakiilka Xuquuqda Lahaansho ee SEIU macluumaadka soo socda qoraal ahaan (ka eeg 17 U.S.C 512(c)(3) wixii faahfaahin dheeraad ah):
    • Aqoonsiga shaqada xuquuqda lahaansho leh ee la sheegtay in lagu xad-gudbay
    • Aqoonsiga sheyga la sheegay inuu xadgud yahay ama uu yahay sheyga lagu xadgudub ee ah in meesha laga saaro ama isticmaalkiisa la joojiyo iyo macluumaad suuragal ahaan ku filan in SEIU ay hesho sheyga;
    • Bayaan sheegaya inaad aaminsantahay si daacad ah in isticmaalka sheegga ee qaabka laga cawday uusan oggolayn milkiilaha xuquuqda lahaanshaha, wakiilkiisa, ama sharciga;
    • Bayaan sheegaya in xogta ku jirta ogaysiiska ay sax tahay, iyo in adiga ciqaabta been sheegidda, in aad tahay, ama laguu oggolaaday in aad matasho, mulkiilaha xuquuq gaar ah oo la soo sheegay in lagu xad-gudbay;
    • Magacaaga, cinwaankaaga boostada, lambarka taleefanka, iyo cinwaankaaga iimaylka; iyo
    • Saxeexa caaduaga ah ama elektarooniga ah ee milkiilaha xuquuqda gaarka ah ee la sheegay in lagu xadgudbay, ama kan qofka loo oggolaaday inuu matalo milkiilaha. Wakiilka Xuquuqda Lahaanshaha ee SEIU ee loo xilsaaray inuu qabto ogeysiisyada xadgudubka la sheegto waxaa lagala xiriiri karaa copyright@seiu.org. Waxaad qiraysaa in haddii aad ku guul dareysato inaad u hoggaansanto dhammaan shuruudaha kore, ogeysiiskaaga DMCA uusan noqon doonin mid ansax ah. Si loo caddeeyo, kaliya ogaysiisyada DMCA waa in loo diro Wakiilka Xuquuqda Lahaansha. Fadlan u isticmaal foomka Nala Soo Xidhiidh wixii ah jawaab-celin kale, faallooyin, codsiyada taageero farsamo, ama wada xiriirada kale ee lala yeesho SEIU.
  5. Afeef dammaanad Websaydkan waxaa laguugu siiyay “sida uu yahay ku aqbal.” Waxaad oggoshay in isticmaalkaaga websaydka SEIU ay noqon doono khatar adiga kuu gaar ah. Ilaa iyo xad inta uu sharcigu oggol yahay, SEIU, iyo sidoo kale saraakiisheeda, agaasimayaasheeda, shaqaalaheeda, iyo wakiiladeeda (guud ahaan, “dhinacyada SEIU”), waxay iska fogeeyaan dhammaan dammaanadaha, mid cad ama mid qarsoon, ee la xidhiidha websaydka iyo sida aad u isticmaasho. Dhinacyada SEIU ma dammaanad qaadi karaan sax ahaansha, dhammaystirnaanta, cusboonaanta, ku xadgudbid la’aanta, baayacmushtarka ama ku habboonaanta ujeedo gaar ah ee macluumaadka bogga ama macluumaadka boggag kasta oo ku xidhan boggan. Sidoo kale dhinacyada SEIU ma dammaanad qaadaan in websaydka uu noqon doono mid qalad la’aan ah, ama si joogto ah loo heli karo, ama in websaydhka uusan yeelan dooni fayrasyo ama waxyaabo kale oo waxyeello leh. Dhinacyada SEIU ma kafaalo qaadaan, ma dammaanad qaadaan, ama ma qaataan mas’uuliyadda alaab kasta ama adeeg kasta oo ay bixiso, xayaysiiso ama yahoohdo koox saddexaad iyada oo loo soo marayo websaydhka SEIU ama websaydka kasta meel kale gala ama ka soo muuqday boodh ama xayeysiis kale.
  6. Xaddidaadda Mas’uuliyadda Ma jirto mar ay dhinacyada SEIU mas’uul ka noqon doonaan adiga ama qof kaleba waxii khasaare ah ee si dadban, si kadis ah, gaar ah, ciqaab ah, ama waxyeelo ka dhalan karta, oo idin soogaara ha ahaato ama yaanay ahayn kuwa la arki karo, ee la xidhiidha websaydhkan, oo ay ku jiraan wixii khasaare ah ee ka dhasha mid kasta oo ah (I) ciladaha, khaladaadka ama waxa aan saxneen ee ku jira macluumaadka, (II) dhaawaca shakhsi ahaaneed ama burburka hantida, nooc kasta ha ahaatee, taas oo ka dhalatay gelitaankaaga iyo isticmaalkaaga websaydhkeena, (III) gelitaanka aan la ogalayn ama isticmaalka ee adeegayaasheena sugan iyo/ama mid kasta iyo dhammaan macluumaadka gaarka ah iyo/ama macluumaadka maaliyadeed ee ku kaydsan, (IV) joojinta ama go’itaanka gudbinta ama ka qaadista websaydhkeena, (V) bugs, fayrasyada, trojan horses, ama wixii la mid ah, kuwaas oo loo gudbin karo ama loo maro websaydhkeena koox kasta oo saddexaad, iyo/ama (VI) khaladaad ama ka-tegitaanka macluumaad kasta ama khasaare kasta ama waxyeello nooc kasta ah oo ku timid isticmaalkaaga macluumaad kasta oo la soo dhejiyay, iimayl lagu soo diray, la soo gudbiyay, ama haddii kale laga heli karo websaydka SEIU, haddii ay ku salaysan tahay dammaanad, heshiis, ficil khaldan, ama aragti kasta oo kale oo sharci ah, iyo haddii SEIU laga waaniyay suurtagalnimada waxyeelada noocaas ah iyo haddii kalaba. Waxaad gaar ahaan qiraysaa in dhinacyada SEIU aysan mas’uul ka noqon doonin macluumaadka adeegsadaha ama dhaqanka sumcad-dilista ah, weerarka ah, ama sharci-darrada ah ee koox kasta oo saddexaad iyo in khatarta waxyeellada ama dhaawaca ee ka timaadda arrimaha kor lagu soo sheegay ay gebi ahaanba mas’uuliyadaada yihiin. Qaar ka mid ah sharciyada gobolka ma ogola xaddidaadyo ama dammaanad qaadyo qarsoon ama ka-reebista ama xaddididda waxyeellooyinka qaarkood. Ilaa inta ay sharciyadan ku khuseeyaan adiga, qaar ka mid ah qodobbada lagu sheegay heshiiskan ayaa laga yaabaa inaanay khusayn. Waxaad ogolaatay inaadan ka cafiso oo aadan u qabsanin dhinacyada SEIU dacwado kasta, nooc kasta ay ahaadaan, oo ka dhasha isticmaalkaaga iyo gelitaanka websaydka SEIU ama ku xadgudubkaaga mid ka mid ah heshiiskan adeegsadaha. Waajibaadka ka cafinta waxay ka sii shaqayn doontaa heshiiska adeegsadaha iyo isticmaalkaaga websaydka SEIU.
  7. Awooda Aqbalaada Heshiiska Adeegsadaha Waxaad xaqiijinaysaa inaad midkood ka weyn tahay 18 jir, ama tahay da’yar la xoreeyay, ama aad haysato ogolaansho waalid ama masuul oo sharci ah, oo aad si buuxda u awoodo kartina u leedahay inaad gasho qoddobada, shuruudaha, waajibaadka, xaqiijinta, matalaada, iyo dammaanadaha lagu soo bandhigay Heshiiskan Adeegsadaha, iyo inaad u hoggaansamayso oo aad raacayso Heshiiskan Adeegsadaha. Si kastaba ha noqotee, waxaad xaqiijineysaa inaad ka weyn tahay da’da 13, maadaama websaydka SEIU aan loogu talagalin carruurta ka yar 13.
  8. Waxyaabo kala duwan Heshiiska Adeegsadaha waxaa hagi doona sharciyada gudaha ee muhiimka ah ee Washington, D.C., iyada oo aan la tixgalinayn mabaadi’deeda sharciyada iska hor imanaya. Dacwad kasta ama khilaaf kasta oo u dhexeeya adiga iyo SEIU ee ka dhasha gebi ahaan ama qayb ahaan Websaydka waa in si gaar ah ay go’aan uga gaadho maxkamad awood u leh oo ku taala Washington, D.C. Heshiiskan Adeegsadaha, oo ay weheliyaan Qaanuunka Arrimaha Khaaska ah iyo ogeysiis kasta oo kale oo sharci ah oo ay SEIU ku daabacday Websaydhka, ayaa ka koobnaan doona dhammaan heshiiska adiga iyo SEIU u dhaxeeya ee khuseeya Websaydhka oo beddelaya heshiisyadii hore, haddii ay jiraan, oo u dhexeeya adiga iyo SEIU ee la xidhiidha arrin kasta oo lagu xalliyay Heshiiska Adeegsadaha dhexdiisa. Haddii qoddob kasta oo ka mid ah Heshiiska Adeegsadaha ay u aragto mid aan ansax ahayn maxkamad awood u leh, ansax la’aanta qoddobka noocaas ah ma saameyn doonto ansaxnimada qoddobada haray ee Heshiiskan Adeegsadaha, kaas oo ahaan doona mid si buuxda u dhaqan gala. Ma jiro ka tanaasulida shuruud kasta oo ka mid ah Heshiiskan Adeegsadaha oo loo qaadan doono ka dhaafid dheeraad ah ama sii socota ee shuruuda noocaas ah ama shuruud kasta oo kale, iyo ku guuldareysiga SEIU in ay sheegto wax xuquuq ah ama qodob ee hoos timaada Heshiiska Adeegsadaha ma noqon doonto ka tanaasulid xuquuqda ama qodobka noocaas ah. Heshiiskan Adeegsadaha, iyo wixii xuquuq ah iyo shatiyo ah ee lagu bixiyay halkan, laguma wareejin karo ama laguma meelayn karo adiga, balse waxaa lagu meelayn karaa SEIU xaddidaad la’aan. Heshiiskan Adeegsadaha iyo xuquuqaha iyo waajibaadka lagu sheegay halkan waa in loo hoggansamaa oo ay dhaqan galaan keliya iyada oo laga eegayo faa’iidooyinka dhinacyada halkan ku jira iyo kuwa baddeli doona iyo kuwa matali doona, mana jiraan wax ka mid ah Heshiiskan, la qeexay ama qarsoon, oo loogu talagalay ama loo micneeyay in lagu siiyo qof kasta xuquuq, daaweyn ama dacwo kasta sida uu dhigayo ama si waafaqsan Heshiiskan. Adiga iyo SEIU waxaad isku raacdeen in ficil kasta oo sabab leh oo ka dhasha ama la xidhiidha Websaydka ay ku bilaabato hal (1) sano gudahood ka dib ficilka sababta leh uu uruuro. Haddii kale, ficilka sababta leh ayaa loo mamnuuci doonaa si joogta ah.

Heshiiskan Adeegsadaha wuxuu dhaqangal noqday laga bilaabo Oktoobar 6, 2021.

Waxaan awood ku leenahay wadajirka.