Loogu Talagalay Xubnaha Cusub

Waxaan kuugu hambalyaynaynaa shaqadaada cusub ee midowga. Xubin midow ahaan, waxaad ku soo biirtay 20% oo ka mid ah shaqaalaha Washington kuwaas oo hela mushaharo dheeraad ah iyo daryeel caafimaad iyo dheefo hawlgab oo wanaagsan marki loo barbardhigo shaqaalaha kale la midka ah ee aanan midow ka tirsanayn.

SEIU6 waxay midaysaa 9,000 oo qoys oo ka kala socda meelo iyo isiro kala duwan si ay ugu dagaalamaan arrimaha na khuseeya. Waxaan matalnaa nadiifiyeyaasha, saraakiisha ammaanka, shaqaalaha garoomada diyaaradaha, shaqaalaha garoomada ciyaaraha iyo shaqaalaha warshadaha xulafada ah ee gobalka Washington. Waxaan leenahay taariikhda guulo waawayn, oo ay ka mid yihiin qaar ka mid ah heshiisyada nadiifiyeyaasha iyo ammaanka ee ugu xoog badan ee lagu galo dalka, iyo sharciga joornaatiga ugu yar ee ah $15/saacadiiba ee garoonka diyaaradaha Sea-Tac ee ugu horreeyay.

KA QAYBGALKA WAA AWOOD

Marki la joogo SEIU6, xubnaheena waxay noo yeelaan awood. Ka qaybgalka xunaha ee firfircoon wuxuu ka dhigan yahay awood dheeraad ah marka aan u gorgortamayno heshiisyada iyo marka aan ka shaqaynayno inaan samayno hurumar guud shirkad ahaan. Waxaan qiimaynaa adiga, codkaaga iyo fikradahaaga.

Tabbabarka Shaqada ee Xubinta Cusub

Habka ugu dhakhsaha badan ee wax looga ogaan karo midowgeena waa in la xaadiro Tabbabarka Shaqada ee Xubinta Cusub. Kulamadan waxaa la qabtaa bil kasta, kuwa guud ee xubnaha iyo kuwa goobaha shaqada ee gaarka ah labaduba.

Si aad wax badan uga ogaato kulanka tabbabarka shaqada ee xiga, ka wac Xarunteena Macluumaadka Xubnaha lambarka 206-448-7348.

Nala soco

Soo xaadir kulamadeena guud ee xubnaha ee la qabto saddexdii biloodba mar.

Kala xiriir qabanqaabiyahaaga kulamada fool-ka-foolka ah ama booqashada goobta. Soo wac Xarunteena Macluumaadka Xubnaha si aad u hesho faahfaahin dheeraad ah: 206-448-7348.

Oo nagala soco Facebook, Twitter, iyo Instagram @SEIU6.

Waxaan awood ku leenahay wadajirka.