Ku Lug Yeelo

Codkaagu waa muhiim

Xubnaha firfircoon ayaa xoojiya SEIU6 . Haddi aad ku cusub tahay midowgeena ama aad tahay xubin mudo dheer ku jiray, codkaaga ayaa saamayn ku yeelan kara ku guulaysiga heshiisyoadag, ilaalinta goobaha shaqada ee badqabka iyo ixtiraamka leh, iyo u dagaalanka isbeddelada qaanuun ee qoysaska shaqeeyaa u baahan yihiin.

Si aad wax badan uga ogaato mid kasta oo ka mid ah fursadaha hoose, ka wac Xarunteena Macluumaadka Xubnaha 206-448-7348 ama buuxi foomka hoose.

Noqo Wakiilka Midowga

Baddel kala saraynta awoodeed ee goobtaada shaqada. Wakiillada midowga ee SEIU6 waxay khabiir ku noqdaan fulin heshiishka waxayna u awood siiyaan shaqaalaha ay isla shaqeeyaan inay u istaagaan xuquuqahooda. Wakiillada midowga waxay ku soo dhawaynayaaan xubnaha cusub midowgeena waxayna ku matalaan midowga shirarka lala yeesho maamulka.

Siyaasad Ahaan U Firfircoonoow

SEIU6 waxay u dagaalantaa shaqaalaha jooga shaqada iyo kuwa ka baxsan. Taasi waa sababta aynu door muuqdo uga qaadano siyaasadaha deegaanka, gobalka iyo qarankabaa. Xubnaha SEIU6 ayaa ku lug yeelan kara hannaanka siyaasada iyaga oo ku biiraya guddiga siyaasadda, lacag ku deeqaya Sanduuqa Awoodda ee Shaqaalaha ama u soo baxaya inay codad u raadiyaan musharax ama arin.

KU BIIR GUDDI

Guddiga Khibradda Xubinta Cusub

Ku soo dhawee xubnaha cusub midowgeena oo ku xir khayraadka ay u baahan yihiin si ay ugu istaagaan xuquuqahooda goobta shaqada.

Guddiga Wada Xiriirka

Kobci xirfadaha hadal-jeedinta dadka dhexdooda iyo baraha bulshada xubin ahaan Guddiga Wada Xiriirka. Gacan ka gayso inaad faafiso faariin shaqsi ahaan ama onleenka si aad u dhaqaajiso ololaha oo aad u horumariso arrimaha qoysaska shaqeeya.

Guddiga Haweenka

Dhammaan xubnaha dumarka ah waxaa lagu soo dhawaynayaa Guddiga Haweenka ee SEIU6, kaas oo toosiya mudnaanta midowgeena uu siiyo inuu ka shaqeeyo danaha haweenka shaqeeya iyo qoysaskeena. Xubnaha Guddiga Haweenka waxay u dagaalamaan sinnaanta jinsiyadeed ee luuqadda heshiiska iyo dhaqanka goobta shaqada iyada oo la dhisayo aragtida mustaqbal loo siman yahay.

Guddiga Siyaasadda

Gacan ka gayso go’aaminta siyaasadaha ay tahay SEIU6 inay u dagaalanto, musharaxa ay tahay inaan taageerno, oo naga caawi qoysaska shaqeeya inay la xisaabtamaan saraakiisha la doortay. Guddiga siyaasadda ee SEIU6 waxay kulmaan bil kasta si ay uga wada hadlaan siyaasadaha, ay u wareystaan musharixiinta oo ay ugu gudbiyaan fariinta ku saabsan doorashada soo socota xubnaha kale.

Xaadir kulanka midowga

SEIU6 waxay qabataa Kulamada Guud ee Xubnaha afar goor sanadki, sabtida labaad ee Janaayo, Abriil, Luuliyo iyo Oktoobar wakhtiga 12:30pm. Kulamada waxaa loo soo xaadiraa qof ahaan ama waxaa lagu qabtaa onleen ahaan iyada oo ku xiran talooyinka caafimaad ee markaas jira. Kulamada shirkadda waxaa loo qabtaa bil kasta nadiifiyeyaasha, saraakiisha ammaanka iyo shaqaalaha garoonka diyaaradda.

Kala soco baraha bulshada

Kala soco SEIU6 barta Facebook, Twitter iyo Instagram si aad u hesho warbixinada ku saabsan ololaha iyo munaasabadaha midoowgeena.

La kulan qabanqaabiayaheena

La balanso kulan fool-ka-fool ah ama booqashada goobta shaqada qabanqaabiyahaaga si aad wax badan uga ogaato midowgeena, heshiiskaaga iyo ololaha iyo munaasabadaha hadda jira.

Ku Lug Yeelo

Waxaan awood ku leenahay wadajirka.