Ogaysiiska Xuquuqaha Shaqaalaha

Ogaysiiska Xuquuqaha Shaqaalaha

Ogaysiiska Xuquuqaha iyo Waajibaadka Shaqaalaha

Waxaad xaq u leedahay inaad ku soo biirto ama ka fogaato ku biirista SEIU6 Property Services NW (SEIU6) ee xubin buuxda ahaan adiga oo xor ah. Waxaan kugu dhiirigelinaynaa inaad ku biirto SEIU6 faa’iidooyinka aawadood, kuwaas oo u gaar ah xubnaha buuxa, waxaa ka mid ah:

  • Ka qaybgalka wada-xaajooyjada heshiisyada cusub iyo u codeynta in la ansixiyo iyo inaan la ansixinin heshiis la soo jeediyay.
  • Gacan ka gaysashada go’aaminta hadafyada iyo mudnaanta SEIU6 iyada oo loo tartamayo loona shaqaynayo sarkaal laga soo doortay midowga ahaan.
  • Ka mid noqoshada bulshada midowga ee walaalaha ah, oo leh karti ay uga qaybgalaan kulamada midowga, tababarrada hoggaaminta, iyo hawlaha bulshada.
  • Ku biirista dhaqdhaqaaqa caalamiga ah ee shaqada iyo u istaagida wadajirka ah si loo horumariyo xuquuqaha dhammaan dadka shaqeeya. Inaad xubin buuxda ka noqoto SEIU6 waxay ka dhigan tahay wax ka wayn kaliya inaad u dagaallanto sare u qaadida magdhowgaaga iyo xaaladahaaga shaqada. Waxay ka dhigan tahay in loo dagaalamo xuquuqdaas uu qof walba leeyahay, sababtoo ah waa waxa saxda ah in la sameeyo.

Si aad xubin buuxda u noqoto adiga oo xor ah, waa inaad bixisaa khidmada xubinnimada ee joogtada ah. Haddii aad go’aansto inaad noqoto xubin buuxda si xor ah, waxaad iska casili kartaa xubinnimadaada wakhti kasta. Haddi aad go’aansato inaad noqoto xubin buuxda si xor ah iyo haddii kalaba, waxaa lagaaga baahan yahay inaad dhaqaale ahaan wax ugu biiriso SEIU6. Taasi waa mida sababta u ah in SEIU6 ay matasho oo ay wada-xaajood ku gasho magaca shaqaale kasta oo ka tirsan kooxda gorgortanka, iyada oo aan loo eegin heerka xubinnimadooda. Haddii aad go’aansato inaad noqoto xubinta “kharash bixiye aan xubin ahayn”, waxaad bixin kartaa midkood wax u dhigma khidamadda midowga oo dhamaystiran, ama khidmadda boqolkiiba qayb la dhimay, ee loo yaqaano khidmadaha “khidmadda qaybta ah ee qofka aan xubinta ahayn”. Khidmadda qaybta ah ee qofka aan xubinta ahayn waxay ka turjumaan saamiga wakhtiga iyo kharashka ee SEIU 6 ay u qoondaysay inay ku matalaan shaqaalaha kooxda gorgortanka arrimaha khuseeya gorgortanka wadajirka ah, balse kama tarjumayso saamiga wakhtiga iyo kharashka loo qoondeeyey dhisidda awoodda shaqaalaha iyada oo loo marayo hawlaha aan mataalada lahayn ee lagu daray khidmadaha xubinnimada midowga ee dhamaystiran waxayna gacan ka gaystaan taageerada qaybaha muhiimka ah ee hadafka SEIU6. Waqtigan xaadirka ah, khidmadda qaybta ah ee qofka aan xubinta ahayn waa 71.21% oo ka mid ah khidmadaha xubinnimada midowga.

Haddii aad go’aansato inaad noqoto bixiyaha khidmadda qaybta ah ee qofka aan xubinta ahayn, waxaad xaq u leedahay inaad ka doodo xisaabinta SEIU6 ee boqolkiiba khidmadda qaybta ah ee qofka aan xubinta ahayn ee khidmada guud ee xubinnimo iyo in lagu siiyo macluumaad kugu filan, marka aad codsado, si uu kaaga caawiyo inaad go’aan ka gaadho inaad rabto inaad ka doodo, iyo sida looga doodo, xisaabintaas. Si aad u diido khidmada xubinnima midowga ee dhamaystiran oo aad u noqoto bixiyaha khidmadda qaybta ah ee qofka aan xubinta ahayn, waa inaad qoraal ahaan ugu sheegtaa SEIU6 diidmadaada: (1) 30 maalmood gudahooda markaad hesho codsigaaga xubinnimada (2) inta lagu jiro muddada 30-ka maalmood ee diidmada ee sanadle ah oo u dhaxaysa Janaayo 1 iyo Janaayo 30; ama (3) 30 maalmood gudahooda markaad iska casisho xubinnimadaada buuxda ee SEIU6.

Ugu dambeyntii, waxaa muhiim ah in la ogaado in heshiiska gorgortanka wadajirka ah ee haga shaqadaada uu ku jiro qodobka ammaanka midowga, kaas oo kaa doonaya inaad noqoto si xor ah xubinta “kharash bixiye aan xubin ahayn”, ee SEIU6 iyadoo shardi ah shaqadaada. Taasi waxay ka dhigan tahay inaad si joogto ah u bixiso khidmadaha xuinnimo ee midowga ama khidmadda qaybta ah ee qofka aan xubinta ahayn, iyada oo si toos ah looga jarayo jeegaga mushaharka ama adiga oo gacanta ugu diraya SEIU6. Sida ku cad qodobka ammaanka midowga, SEIU6 waxay si sharci ah u codsan kartaa in loo-shaqeeyahaaga uu kaa joojiyo shaqada haddii wakhtiga saxda ah ku soo diri waydo khidmadaada ama khidmadda qaybta ah ee qofka aan xubinta ahayn.

Waxaan awood ku leenahay wadajirka.