Muranka iyo Cabashooyinka: Xuquuqaha, Habraacyada, iyo Habdhaqanada ugu Wanaagsan

XUQUUQAHA WEINGARTEN
Maadaama hadda aad ogtahay qaar ka mid ah sharciyadda lagu dabaqo kiisaska anshaxa, waxaad diyaar u tahay kulan khaas ah oo loo yaqaano ” Weingarten representation.”

Weingarten wuxuu ahaa kiis yaalay Maxkamadda Sare ee Maraykanka oo xaq u siinayay shaqaalaha inay wakiil helaan marxaladah qaar “marka uu kormeeraha dalbado macluumaad loo isticmaali karo in lagu saleeyo edbinta.”

Waa muhiim inaad xasuusisid xubnahaaga wax ku saabsan xuquuqahooda Weingarten had iyo jeer: Shaqaaluhu waa inay mar kasta codsadaan wakiil haddii kulanku ku lug lahaan karo edbin. Hal qaab oo tani loo sameeyo ayaa ah “kaararka Weingarten” [leh cabbirka kaarka ganacsiga] oo ku leh qaacido sharci hal dhinac …

“Haddii wadahadalkani si uun u horseedi karo in la i edbiyo ama la iga eryo shaqada, ama saamayn karo xaaladdayda shaqo ee gaarka ah, waxaan si xushmad leh u codsanayaa in wakiilkayga ururka uu joogo.”

… iyo dhammaan wakiillada dukaanka iyo lambaradooda telefoonka ee ku yaala dhanka kale.

Waxaa jiri kara waqtiyo uu maamuluhu iska indhatiri karo xuquuqaha Weingarten ee shaqaalaha. Hadday taasi dhacdo, kula tali shaqaalaha inuu qolka joogo si uu u maqlo maamulaha, qaado qoraallo tafatiran oo sheegaya inuu codsaday wakiil oo codsiga la diiday, markuu kulanka ka soo baxana ha ula xiriiro si degdeg ah ha ula xiriiro wakiilka si uu dacwad ugu gudbiyo NLRB.

Hubso inaad ku xusuusnaato dhammaan waxyaabaha aad mas’uulka ka tahay gudaha kulanka Weingarten:

Haddii aad haysato ogaysiin horudhac ah, weydii maamulka waxa ay ku saabsan tahay. Ka dib waxaad isku diyaarin kartaa adiga (iyo shaqaalaha) su’aalaha ay idin weydiin doonaan.

Maxaad u sheegi lahayd shaqaalahaaga shirka kahor:

  • Isdeji. Si fiican isku deji.
  • Taxaddar. Wax kasta oo aad dhahdo waa laguu adeegsan karaa.
  • Ka dhig jawaabaha kuwa kooban. Waxba ha xilqaamin. Ma diidi kartid inaad ka jawaabto, laakiin ma ahan inaad waddadaada ka weecato si aad waxtar u lahaato.

Joogitaankaagu waa inuu ka horjoogsado maamulka cabsi-gelinta shaqaalaha. Haddii aysan taasi dhicin, waad ka dhiidhin kartaa habdhaqankaas waxaadna ku darsan kartaa qoraalladaada.

(Waxa aad si taxaddar leh u samaysan kartaa qoraalo ku saabsab shirka oo dhan. Waa loo baahan doonaa haddii wax walba “in la sheego loogu baahdo.” )

Waxaad awooddaa (inta lagu jiro kulanka) inaad siiso shaqaalaha talo ku saabsan sida wax looga jawaabo. Waxaad sidoo kale waydiisan kartaa maamulka inay si cad u sheegaan su’aalaha, waxaadna codsan kartaa biriirifyo kooban si aad ula hadasho shaqaalaha.

Waxaad halkaas u joogtaa inaad hubiso in shaqaalaha loola dhaqmo si xaqsoor leh iyo si aad u muujiso in ururku uu garab taagan yahay shaqaalaha. Samee taas keliya waxaadna samaysay wax fiican.


TALLAABADA HABRAACA

Heshiiskaaga ayaa qori doona qodobadda habraaca cabashada ee midowgaaga uu ka gorgortamay.

Habraaca cabashooyinku wuxuu kor ugu sii kacaa “tallaabooyin” (laga bilaabo wada hadallada hore ee lala yeesho kormeerayaasha heerka hoose ilaa iyo dhexdhexaadin buuxda), iyada oo tallaabo kasta loo cayimay waqti xaddidan. Waa inaad isku daydo inaad buuxiso shuruudaha tillaabo kasta watiyada la cayimay gudahooda. Haddii aad sidaas samayn waydo, iyada oo aan lahayn sabab sax ah, waxaad ku waayi kartaa cabashada dhan farsamo.

Sida caadiga ah, kor u kaca wuxuu u dhacaa sidan:

  • TALLAABADA 1 Wakiilka ayaa la kulmayo kormeerayaasha heerka hoose.
  • TALLAABADA 2 Haddii aan xal la helin, wakiilka wuxuu la kulmayaa maamulka sare.
  • TALLAABADA 3 Haddii aan xal la helin, waxaa jiri kara kulan kale sida Tallaabada 2, ama dabcan “guddi” cabasho, ama haddii kale gabi ahaan waxaa la aadayaa:
  • GARQAADID Halkaas oo qofna uusan rabin inay gaarto, balse dhibaatada waxaa halkan ku xallin doona koox saddexaad oo dhexdhexaad ah.

Si aad u hubiso inaadan weligaa lumin cabasho maadaama aad oggolaatay in wakhtiga xaddidan dhammaado, waxaanu ku siinaynaa shaxdan yar. Waa inaad si sax ah u ogaataa goorta ay wax bilaabanayaan. Hadda, u gudub heshiiskaaga oo buuxi jadwalkan isla imminka, ka hor inta aadan hilmaamin.

TallaabadaUrurkaShaqo-bixiyaha
TALLAABADA 1-AADWaa in la gudbiyo ___ maalmood gudahooda laga bilaabo maalinta ay dhibaatadu dhacday.Waa in laga soo jawaabaa ___ maalmood gudahooda.
TALLAABADA 2-AADWaa in racfaan lagu qaataa tallaabada 2-aad ____ maalmood gudahooda kadib jawaabta shaqo-bixiyaha ee Tallaabada 1-aad.Waa in laga soo jawaabaa ___ maalmood gudahooda.
TALLAABADA 3-AADWaa in racfaan laga qaataa tallaabada 3-aad ____ maalmood gudahooda kadib jawaabta maamulka ee Tallaabada 2-aad.Waa in laga soo jawaabaa ___ maalmood gudahooda.
DHEXDHEXAADINTAWaa in racfaan loo gudbiyaa dhedhexaadinta ____ maalmood gudahooda kadib jawaabta maamulka ee Tallaabada 3-aad.

Go’aanka lagu aadayo garqaadista ma noqon doono mid si fudud lagu qaato. Waxay ku xirnaan doontaa waxyaabaha sida muhiimada arrinta uu leeyahay (dhibaatada), darnaanta kiiska, kharashka, iyo fursadaha in lagu guuleysan karo. Baaritaankaaga, qoraaladaada, iyo warbixinadaada ayaa dhab ahaanti muhiim noqon doona marka go’aannada noocaas oo kala ah la gaarayo.


QORIDA CABASHOOYINKA

Talaabada 1-aad ee cabashada qoran waxay siisaa shaqo-bixiyaha ogaysiin rasmi ah in ururka shaqaaluhu uu daba socdo arrinta.

Ma ahan mid adag, laakiin waa inaad si taxaddar leh uga fiirsato dhawr ereyo oo yar oo sharciyeed oo aan ku siin doono. Waxay noqon kartaa mid muhiim ah hadhow haddii ay tahay in kiisku aado dhexdhexaadin.

Cabashada qoran ee wanaagsan waxay ka kooban tahay saddex qaybood:

Duruufaha A hal jumlad oo ah sharraxaadda waxa dhacay (ama aan dhicin). Jumladan waxaa ku jira magaca ama magacyada dacwoodaha waxayna tilmaamaysaa halka iyo goorta ay arrintu dhacday. Ka dhig mid kooban. Halkan kagama doodaysid kiiska. Waxaad sheegaysaa waxa dhacay.

Bayaanka A Jumlad tilmaamaysa sababta ay tani u tahay cabasho sax ah. Tusaale ahaan, “Shaqo-bixiyahaaga ayaa jebiyay Qeybta __ ee heshiiska iyo dhammaan qaybaha kale ee khuseeya heshiiska.” Haddii aad ka warqabto habdhaqano hore ama xadgudubyo kale oo khuseeya cabashadan, waad ku dari kartaa.

Waa inaad awood u leedahay inaad soo xigato qaybaha gaarka ah ee heshiiska ee la jabiyay. Xoogaa yar ayaad ka qori kartaa, “Falkani wuxuu xadgudub ku ahaa heshiiska.”

Xalka Kani wuxuu u sheegayaa shaqo-bixiyaha waxa ururku rabo. Asal ahaan, waan tixgalinaa waxa shaqaal-e(luhu) heli lahaa haddii xadgudubku uusan marnaba dhicin: mushaharka, dib-u-bixinta mushaharka, xuquuqaha kala saraynta jago, dheefaha, iyo wixii la midka ah.

Haddii aad garanayso xalka aad raadinayso, qor in shaqaalaha la siiyo magdhow dhammaystiran, oo ay ku jiraan laakiin aan ku xaddidnayn [xalka].” Haddii aadan go’aan ka gaarin xalka, waxaad si fudud u qori kartaa “in shaqaalaha loo siiyo si dhammaystiran si kastaba ha noqotee.”

Haddii ay tahay isbeddel siyaasadeed oo ballaaran, waxaad waydiin kartaa maamulkaas inay “ka noqdaan isbeddelkan oo dib-soo-celiyaan xaaladihii hore” ama “joojiyaan oo iska daayaan habdhaqankan.”

Haddii tani ay tahay cabasho ku lug leh anshaxa shaqaalaha gaarka ah, ha ilaawin inaad tusto waxa aad qortay oo aad u sharraxdo waxa aad samaynayso. Hubi inay waafaqsan yihiin.

Tusaalooyin yar oo tallaabada 1-aad ee cabashooyinka qoran ayaa la bixiyay si ay kaliya kuu siiyaan faham guud.


TUSAALOOYIN YAR OO CABASHOOYINKA AH

Waxa dhacay
Joe Jones, oo si habsami leh u jooga Manor Nursing Home, ayaa shaqaynayay 45 saacadood isbuucii hore laakiin wuxuu helay kaliya mushahar 40 saacadood ah.Sida loo qoray
“Joe Jones wuxuu helay kaliya 40 saacadood mushahar ah oo ka mid ah 45 saacadood ee uu shaqeeyay isbuucii Juun 23. Tani waxay jebinaysaa Qaybta VIII, Saacadaha Shaqada, iyo dhammaan qaybaha kale ee khuseeya heshiiska. Joe Jones waa in la siiyo magdhow dhammaystiran, oo ay ku jiraan laakiin aan ku xaddidnayn, in la siiyo shanta saacadood oo lagu dhuftay hal iyo bar mushaharkiisa.”
Waxa dhacay
Iyadoo aan wax ogeysiin ah laga helin maamulka, shaqobixiyaha wuxuu isbedello ku sameeyay gelinka shaqo ee Waaxda Cuntada iyo Waaxda Dayactirka.Sida loo qoray
“Ururku wuxuu ka xun yahay isbeddelada gelinta shaqo lagu sameeyay ee Waaxyaha Cuntada iyo Dayactirka markay ahayd 2-da Oktoobar. Tallaabadan waxay jebisay Qaybta II, Saacadaha Shaqada, iyo dhammaan qaybaha khuseeya heshiiska iyo sidoo kale habdhaqankii hore ee maamulka ee ogeysiinta hore. Maamulka waa inay meesha ka saaraan isbeddelkan oo soo celiyaan gelinka shaqo.”
Waxa dhacay
Sue Miller, oo karraani ka ah Waaxda Gaadiidka, ayaa laga wareejiyay waaxda kadib markay xiriir inay la samayso ka diiday kormeeraheeda.Sida loo qoray
“Sue Miller si xaqdarro ah ayaa looga wareejiyay Waaxda Gaadiidka markay ahayd 5-ta Luulyo. Tani waxay jebinaysaa Qaybta IV, Dalacsiinada iyo Beddelka Shaqaalaha; Qaybta XX, Qodobka Takoor La’aanta; iyo dhammaan qaybaha khuseeya heshiiska, iyo sidoo kale Ciwaanka VII ee Xeerka Xuquuqda Madaniga ah. Sue Miller waa in la siiyo magdhow dhammaystiran, oo ay ku jiraan in dib loogu celiyo waaxdeeda iyadoo dib loo siinayo wixii mushahar, dheefo, iyo kala sareyn jago ah; oo kormeerayaashu waa inay joojiyaan oo ay iska daayaan dhibaataynta galmada siduu sharcigu farayo.”

DHAGARTA MAAMULKA
Hadda waxay noqon kartaa waqti fiican oo la xuso qaar ka mid ah xeeladaha maaraynta ee caanka ah ee loogu talagalay in lagu idin ku niyad-jabiyo adiga iyo ururkaaga. Maamulayaasha waxay u isticmaali karaan “si farsamaysan” inta lagu gudajiro Talaabada 1-aad ee kulankooda, ama “si xeeladaysan” toddobaadyada iyo billaha cabashada. Laakiin isticmaal way isticmaali doonaane. Mar walba way isticmaali jireen.

  • CARQALADAYNTA
    Malaha waa tan ay ugu jecel yihiin. Iyagoo caga-jiid samaynayo, maamulka ayaa rajeeya inaad ka xiiso dhigto oo iska dayso arrinta. Tani waa sababta tallaabooyinka cabashada ay u leeyihiin waqti xaddidan, iyo sababta aan u rabno inaad ku qorto buuggan. ( Waad ku qortay, soo ma ahan?)
  • KA MASHQUULINTA, JAHWAREERINTA
    Sida sixiroole dareenkaaga marin habaabiyo camal, batrooniyadu waxay jecel yihiin inay soo bandhigaan arrimo aan la xiriirin cabashada aad ku hawlan tahay. Ha u ogolaan.
  • HANJABAADAHA IYO AFLAGAADOOYINKA
    Badwi, laakiin inta badan wax-ku-ool leh. Ha u ogolaan maamulka inuu kaa caraysiiyo si aad u xanaaqdo. Hadduu dacwoode kula joogo kulanka, hubi inuu diyaargar u yahay kulankan. Wac guddiga (dibadda) haddii aad u malayso in qof xanaaqi rabo (oo aad adiga ku jirto).
  • GORGORTANKA CAQLIYAYSAN
    Marka dhowr arrimood ay miiska saaran yihiin, maamulka ayaa laga yaabaa inuu ku soo bandhigo “baayacmushtar”: mid qaado, midna ka tag. Ha ku dhicin dabinkaas. Waa qaabka hubaasha ah ee aad ku waayi karto kalsoonida xubnahaaga, waxaana laga yaabaa inay khatar kuu geliso qaansheegashooyin matalaad caddaalad ah. Marnaba halis ha gelin daacadnimadaada si aad u gaarto “guul.” Haddii aad lumiso labada cabasho, sidaasi ha ahaato. Haddi aad abid gasho gorgortan caqliyaysan, maamulku wuxuu ururka ka dalban doonaa tanaasul inay ka sameeyaan heshiis kasta oo markaas xiga.
  • DIIDMADA WADAHADALKA
    Sida carqaladaynta, iyo ka sii daran. Mararka qaarkood way digdileeyaan, marna qaarkoodna ma digdigleeyaan. Tani waa tabta dhexdhexaadinada loo sameeyo. Sida kaliya ee lagu ogaan karo waa inaad adeegsato wakhtiga xaddidan ee heshiiskaaga. Taasi waa sababta ay halkaas u joogaan. Waa shaqada ururka inay la socdaan cabashada.

TALLAABADA 1-AAD EE KULANKA

“Kulanka isxigxiga” (sida caadiga ah Tallaabada 1-aad ee cabashada rasmiga ah) waa sida “tallaabada hore” kulanka, oo kaliya waxaa dheer: diyaargarow badan, qorsheyn badan, iyo wax badan oo la isku hayo.

Talaabada 1-aad ee kulannada inta badan waxa ku lug leh kormeere heerkiisu hooseeyo. Tani waxay noqon kartaa mid fiican ama xun. Dhanka kale, kormeeruhu waxaa laga yaabaa inuu rabo inuu xalliyo dhibaatada kahor inta aysan gaarin madaxdiisa ama madaxdeeda. Dhinaca kale, kormeeruhu waxaa laga yaabaa inuusan lahayn awood uu wax ku saxo.

Dib-u-eeg kow iyo tobanka sharci ee la macaamilida maamulka.

Qor qodobbadaada ugu muhiimsan iyo xaqiiqooyinka taageeraya.

Odoros doodaha maamulka ay adeegsan doonaan. Isku day inaad “u fikirto sida batrooni.”

Haddi ay dacwooda-ha(yaashu) ka soo qayb galaan kulanka, sii diyaari. Go’aanso waxa ay tahay in la sheego iyo waxa aysan ahayn in la sheegin.

Qaado qoraalo fiican. Haddii kiisku gaaro Tallaabooyinka 2, 3, ama dhexdhexaadin, qoraalladaadu waxay noqon karaan farqiga u dhexeeya guuleysiga iyo guuldarradaysiga.

Had iyo jeer joogtee halgan midaysan. Qabo kulan taageero haddii xubin ka mid ah uu qabo diidmo ama soojeedin (ama haddii maamulku keeno wax yaab kugu ah).

Marnaba ha xilqaamin macluumaad aan waxba tarayn.

Ha qiran eedeymaha dhaawacaya kiiskaaga. Ha caddeeyaan maamulka kiiskooda.

SU’AALO IYO JAWAABO DHOWR AH

SMaxaa dhacaya haddii shaqaaluhu jebinayo heshiiska ama sida kale sameynayo wax isaga ku keeni kara dhibaato?
JTixgeli inaad la hadasho shaqaalaha laftiisa, ama aad u sheegto saaxiibkiisa inuu sidaasi sameeyo. Waa in laguu arkaa shaqaale saaxiib ah oo ka walaacsan in shaqaalaha la anshax marin doono oo ururka shaqaaluhu noqon doono mid daciifa.
SMaxaa dhacaya haddii maamulku anshax mariyo shaqaale iyadoo wakiil la joogin?
JMaamulka ma ku qasbano inay shaqaalaha u sheegaan xuquuqdooda. Shaqaale kasta ayay ku xiran tahay inuu codsado joogitaankaaga inta lagu gudajiro kulanka anshaxa. Si kastaba ha ahaatee, haddii shaqaaluhu sidaasi sameeyo oo maamulku diido, waxaad gudbin kartaa cabasho aad u cuskanayso sababahaas.
SMaxaa dhacaya haddii aan ku sameyn karin baaritaan buuxa gudaha waqtiga xaddidan si aan u go’aamiyo in cabashada ay tahay cabasho sax ah?
JSoo gudbi cabashada siina wad baaritaankaaga. Kadib mar walba waad ka noqon kartaa cabashada.
SKa warran haddii dacwoode kuugu muujiyo xaqiiqo gudaha shirka isxigxiga oo aan anigu ka warqabin?
JQabo kulan taageero oo billow xakamaynta waxyeellada. Waraysiga wanaagsan ayaa kaa caawin kara inaad tani kahortagto, laakiin waxay u dhowdahay inay tahay munaasabad loogu talagalay wakiillada. Marka lagu jiro waraysiyada kulanka ka horreeya oo dhan, mar kasta weydii, “Ma jiraan wax kale oo aadan ii sheegin oo ay tahay inaan ogaado?”
SMaxaa dhacaya haddii cabashada shaqaalaha aysan ahayn cabasho sax ah?
JSi diblomaasiyad ku jirto ugu sharrax sababta shaqaalaha. Oo, dabcan, waxaad sahmin doontaa dhammaan qaabab kale oo loo xalliyo dhibaatada shaqaalaha. Shaqaalaha badankoodu way fahmi karaan sida qof kasta oo ka tirsan ururka uu u guuldaraysanayo haddii ay taageeraan cabasho aan sal iyo raad lahayn. Si kastaba ha ahaatee, shaqaalaha ayaa laga yaabaa inuu keligiis go’aansado in cabashada tahay in la xareeyo. Mararkan oo kale, wakiilku waa inuu aad u taxaddaro si uu uga fogaado dacwadaha DFR.


LA SOCO HEERKA CADDAADISKA KU DAARAN

Aynu si toos ah wax kuugu sheegno. Noqoshada wakiil ayaa ah shaqo caddaadis sare leh.

Qof kasta oo noqday wuxuu kuu sheegi doonaa in aysan ahayn sida xakamaynta gaadiidka hawada ama carbin libaax, si kastaba ha ahaatee. Way ka daran tahay.

Waxaa jiri doonaa maalmo ay xubnahaagu culeys ku saaraan, maamulku laba-wajiilenimo kuula dhaqmo, oo wax walba ay khaldan yihiin Ma kaa yarayn karno walbahaarka. Wuxuu wehliyaa shaqadaada, sida mar walba dhacda markuu qof si isxilqaam ah u hoggaamiyo dadka kale si looga gudbo caqabadaha adag.

Laakiin waxaan ugu yaraan kuu sheegi karnaa inaan fahamsanahay. Waa kuwaan saddex shay oo ku caawin kara:

1.Shaqaaleysii caawiyeyaal oo u wakiilo qayb ka mid ah shaqada. Keligaa ma wada samayn kartid. Waxaa kaa yaraynaya walbahaarka ku saaran waxaadna siin doontaa xubnaha kale fursad ay wax ku bartaan.
2.La hadal madaxaaga wakiillada ama saraakiisha ururkaaga. Way ku fahmi doonaan.
3.Ka qaybqaado golahaaga wakiillada. Hawlwadeennada kale iyo dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqaha ayaa kaa caawin kara xallinta dhibaatooyinka wayna ku taageeri karaan.

Inaad awood u yeelato inaad qabato waxaas oo dhan oo aad weli ku sii socoto hadafkaaga ayaa ah waxa ka dhigaya wakiillada SEIU dad gaar ah runtii. Ku faan taas. Waan ku faanaa.

Waxaan awood ku leenahay wadajirka.