Xuquuqaha Weingarten oo Ingiriis ah

Haddii waligaa lagugu waco inaad la kulanto kormeerahaaga ama maamulahaaga si ay u baaraan xaalad keeni karta edbin, waxaad leedahay xuquuqo matalaad oo gaar ah. Xuquuahan waxaa loogu wacaa “Xuquuqaha Weingarten” waxaana lagu soo koobay hoos:

  1. Waxaad xaq u leedahay in Wakiilka Midowga uu xaadir ahaado
  2. Haddii aad u baahan tahay in Wakiil Midow inuu joogo meeshaas, waa inaad ka dalbato isaga ama iyada
  3. Haddii aadan ogayn sababta ay u rabaan in kormeerahaaga ama maamulahaaga ay kuula kulmaan, weydii haddii uu yahay kulan sababi kara edbin
  4. Haddii maamulahaaga uu diido inuu kuu oggolaado inaad la timaado Wakiil Midow, ku celi codsigaa iyada oo uu markhaati u joogo. Haddiidin inaad xaadirto kulanka, balse haka jawaabin wax su’aal ah. Qoraal qaado. Marka uu kulanka dhamaado, wac Wakiilka Midowgaaga isla markaaba.
  5. Waxaad xaq u leedahay inaad si gaar ah ula hadasho Wakiilka Midowgaaga ka hor kulanka, inta lagu jiro kulanka, iyo ka dib kulanka
  6. Wakiilkaaga Midowga wuxuu xaq u leeyahay inuu door muuqdo ka qaato kulanka. Isaga ama iyada ma ahan oo kaliya markhaati.

“Xuquuqaha Weingarten” waxay ku salaysan yihiin go’aankii Maxkamadda Sare ee 1975, NLRB v. J. Weingarten.

Oraahdan ayaa badbaadin karta shaqadaada:

“Haddii wada hadalkan uu si un u horseedi karo in la i edbiyo ama shaqada laiga joojiyo, waxaan si xushmad leh u codsanayaa in Wakiilka Midwogayga uu goobjoog ka ahaado kulanka. Haddii uusan wakiil ii joogin, waxaan doorbidayaa inaanan ka jawaabin wax su’aalo ah ama bayaan ah.”

Dalbo Matalaada Midowga
Waa inaad codsato matalaada Midowga ka hor ama inta lagu jiro wareysiga. Maamulka waa inuusan ku ogaysiinin xuquuqdan.

Diid Inaad Sii Wado Mataalada Midowga La’aantiisa
Su’aal weydiiyaha waa in loo sheegaa rabitaankaaga matalaada. Diidmada wada-shaqeynta ee dhinacaaga ah waxaa loo arki karaa amar diido. Haddii maamulka uu kuu diido inaad hesho matalaad, joog qolka, balse aamus.

Ha Samaynin Wax Qoraal ah ama Hadal ah oo Dambi Qirasho ama Dambi La’aan Qirasho ah
Laguuguma qasbi karo inaad hadasho. Jawaabta ugu habboon ee xaaladdan waa inaan la HADLIN – sheegashada inaadan dambi lahayn waxay ka dhigan tahay hadal.

Haka Tanaasulin Xuquuqdaada Matalaada
Haddii aad sii waddo su’aalaha adiga oo aan matalaad helin, waxaad ka tanaasushay xuquuqdaada mataalada hadal kasta oo aad dhahdana waxaa loo adegsan si lid kugu ah.

Xuquuqaha Weingarten ma khusayso wada sheekaysiga maalinlaha ah ee ka dhaxeeya xubnaha iyo kormeerayaasha ee ku saabsan hawlaha shaqooyinka caadiga ah ama shaqo fulinta.

Waxaan awood ku leenahay wadajirka.