Xoghayaha ahna khasnajiga Jorge Dueñas wuxuu asal ahaan ka yimid Mexico, halkaas oo uu ku lahaa ganacsigi. Markay ahayd 1990-aadkii, Jorge waxa uu soo galay Maraykanka si uu nolol cusub ula bilaabo lammaanihiisa. Wuxuu ahaa nadiifiye huteel isaga oo baranaya Ingiriisiga wuxuuna ka noqday isuduwaha gudbinta hay’ad samafal oo bixisa daryeel caafimaad. U hadlida shaqaalaha ay wada shaqeeyaan ee dhibaataynta galmada kala kulmay shaqada ayaa ku dhiirigelisay inuu ka noqdo wakiil midowgiisa, u dhaqdhaqaaqiisana wuxuu boos kaga helay SEIU6, halkaas oo uu ka shaqeeynayay in ka badan 20 sano.
“Hiigsigaygu waa inaan ka dhigo midowgan mid xooggan aniga oo qaadanaya tignoolajiyada cusub iyo habab kala duwan oo loo abaabulo loo difaaco loona ilaaliyo shaqaalaha. Waxaa jira tacaddi badan oo loo gaysto shaqaalaha shirkadaheena. Markaad ku cusub tahay Maraykanka, waxay u qaadanayaan inaadan waxba haysan. Waxaan aaminsanahay inuu hogaan saxda ah noo joogo SEIU6 sababtoo ah waxaan haysanaa dhalinyaro nagu hogaaminaysa mustaqbalka.”