Doorkaaga Wakiil Ahaan: Waxyaabaha Assaasiga ah

Wakiilka SEIU ahaan, shaqadaadu waxay ku lug leedahay inta badan, wax ka wayn inaad xaliso cabashooyin.

Cabashooyinka waa muhiim. Inta badan waa waxa la arko ee ugu macquulsan laguna dareemo joogitaanka midowga. Mararka qaar waxay qaadan doonaan wakgtigaaga badankiis.

“Balse cabashooyinka waa inaan lagu qaldin mas’uuliyadaada ugu wayn ee wakiil ahaan: oo ah inaad dhisto xubinnimo midaysan, abaabulan, oo kuwada shaqeeya goobtaada shaqada.

Ka qaybgalkan iyo wadajirkan la’aantiisa, ma jiri lahayn midow adduunkan la joogo ilaalin ahaa oo u shaqayn lahaa xubnihiisa.

Hoggaamiyaha goobta shaqada ahaan, aad ayaad u mashquulsanaan doontaa. Taasi waxaa ugu wacan wakiilada SEIU waa …

Qabanqaabiyeyaal. Taasi waa shaqo wayn. Kama dhigno kaliya qorista xubbino cusub, inkastoo ay taasi sidoo kale kamid tahay. Waxay kamicno tahay in wakiilada SEIU ay u xil saran yihiin maamulista dhamaan goobta shaqada si ay si wadajir ah wax uga qabtaan dhibaatoyinka.Taas oo ah, marki aad kafikirtid, waa ay midowyada shaqaalaha ku saabsan yihiin.

Xaliyaasha dhibaatada. Waxaa tahay qofka shaqaalaha ay la wadaagayaan dhibaatoyinkoda. Waxay noqon kartaa khatar goobta shaqada. Waxaa laga yaabaa in qof shaqada laga eryay, ama laga yaabo in logu goodiyay in laga cayrinayo shaqada. Waxa laga yaabaa inay tahay shaqaale cusub oo su’aal wato. Dabcan waxaa laga yaabaa inaad dhibaatada ku xalliso erey saaxiibtinimo, ama laga yaabaa inaad abaabuli doonto ficilka goobta shaqo ama aad buuxiso foom cabasho ah. Dhibaatoyinka lama socdaan aagaaga. Ee waa aagaaga.

Barayaasha iyo xiriiriyaasha. Heshiiska. Qorshaha caymiska caafimaadlka. Waa maxay “ULP”? Sideen u sameeyaa sidan? Maxay sidaas u sameeyeen? Waa duni adag, xubnahaaguna waxay ku xisaabtamayaan inaad ka caawiso inay macno samaynayaan. Si la mid ah, saraakiisha midowga waxay ku xisaabtamayaan inaad ka caawiso inay la xiriiraan asxaabtaada shaqawadaaga. Malin waliba ayaad la shaqaysa ayaga. Ayagana maya.

Hogaamiyeyaasha goobta shaqada. Waa adiga qofka adiga ka shaqaynaya. Adiga ayaa ah kan aan ka cabsaneyn in uu la hadlo maamulka. Waxaad abuurtaa midnimo, weligaana ha u ogolaan qofna inuu iloobo inuu jiro midow shaqaale oo ka jira goobtaada shaqada. (Maj iro qof dhahay shaqadaan way fududahay.)

Qaybaha soo socdo ayaa si faafahsan u qeexi doono shaqooyinkada kala duwan. (Bogaga leh calaamada «ayaa bixin doona liiska hubinta oo gacanta lagu qaato oo ay ku xusan yihiin waxa ay wakiilada u baahan yihiin in ay ogaadan, haystaan, iyo ay sameeyaan.)

Hada, waxaa muhiim ah in aad fahmaysid aadna aqbalaysid masuuliyadada balaaran ee goobta shaqada, aadna xasuusatid in waajibaadkada aasaasiga yihiin in aad abaabusho iyo in aad xalliso dhibaatoyin. (Waxaad gadaal ka arki doonta habka labadaas waajib ay iskuula socdaan.)

Wax Yaalaha Aad U Baahan Tahay In Aad Haysato

Waxaad u baahan doontaa inaad gacanta ku hayso macluumaad badan, oo ku saabsan shaqada iyo guriga labaduba. (Wakiilada qaarkood waxay hor iyo gadaal u sitaan buug xusuus qor ama qorsheeye.)

Adiga iyo wakiil madaxeedka ama masuulka midowga waa inaad hubisaan agabkaaga si aad u xaqiijiso inaad haysato wax kasta oo aad u baahan tahay. Waa kuwan qaar ka mid ah waxa macquulka ah:

  • Liiska shaqaalaha aad ugu adeegto wakiil ahaan, oo ay ku jiraan magaca, cinwaanka, lambarka taleefanka, cinwaanka iimaylka, magaca shaqada, iyo jadwalka waqtiyada shaqada.
  • Liiska kala sareynta shaqaalahaaga (haddii ay khusayso).
  • Heshiiska iyo waraaqo kasta oo dhinac ah.
  • Dastuurka midowga deegaanka iyo xeer hoosaadka.
  • Buugga shaqaalaha ee maamulka, haddii uu jiro mid (ama qaanuunyo kale oo daabacan uu leeyahay loo-shaqeeyaha).
  • Sharciyada shaqaalaha dawladda (haddii ay khusayso).
  • Jadawalka ururka ee maamulayaasha iyo kormeerayaasha.
  • Abaabulida agabka xubnaha cusub, oo ay ku jiraan kaararka oggolaanshaha, nuqullada heshiiska, bogga midowgaga iyo ciwaanka iimaylka, iyo dastuurka midowgaga iyo xeer-hoosaadyada.
  • Foomyada baarista dacwadaha.
  • Agabyada COPE (ficil siyaasadeed).
  • Waxaa laga yaabaa inaad taqaano shaqooyinka kala duwan ee kooxdaada, laakiin haddii aadan garanayn, waxaad u baahan doontaa qaar kamid sharaxaadyada shaqo.

Dabcan, wakiilka shaqaalaha midowga deegaankaaga iyo lataliyaha sharciyaysan ayaa haya macluumaad kale oo qiimo leh oo ay ka mid yihiin:

  • Sharciyada caafimaadka iyo badqabka ee federaalka iyo gobolka.
  • Sharciyada shaqada ee federaalka iyo gobolka iyo go’aannada maxkamadda.
  • Diiwaanada baaritaanadii hore, dacwwoyin, iyo gar-qaadashada.
  • Liisaska tixraacyada, khayraadyada, iyo agabka kale ee waxtarka leh ee laga helayo midoga Caalamiga ah.
  • Linkiyada lagu isticmaalo Websaydhka, sida www.seiu.org oo laga helayo wixii ku cusub dalka oo dhan.
  • Xiriirinta dhigaalada waxbarashada

Ilaalintaada Wakiil Ahaan

Marka aad la macaamilayso maamulka hawlaha midowga, waxaad la macaamilaysaa loo-shaqeeyaha si la mid ah.

Waxaad qiyaasi kartaa sida ay iyaga ugu faraxsan yihiin taasi. Taasi waa sababta National Labor Relations Act (Sharciga Qaran Ee Xidhiidhka Shaqaalaha) iyo guddiyada shaqaalaha ee gobalkau ay si gaar ah kaaga ilaalinayaan (iyo madaxda kale ee midowga) ciqaabta ama takoorka maamulkahawshada midowga aawadeed. Waa sharci-darro in loo-shaqeeyaha:

  • Uu kuu diido dallacsiin ama fursado lacag bixin.
  • Uu kaa dhex saaro shaqaalaha kale.
  • Ku kor saaro shaqo dheeraad ah ama hawlo adag.
  • U kuu diido fursadaha saacadaha dheeraadka ah.
  • Uu kugu so rogo sharciyada shaqada si aan cadaalad ahayn ama kugu dhibaateeyo kormeer dheeraad ah.

Heshiiskada waxaa kale oo laga yaabaa inuu qeexayo xuquuqdaada, dancan waxaana laga yaabee inuu ku cayminayo qawaaniinta gobolka iyo degaanka haddii aad tahay shaqaale dawladeed.

Haddii loo-shaqeeyahaagu isku dayo inuu sidan kuu takooro, waxay xadgudub ku tahay sharciga federaalka.

Caddaalad: Mas’uuliyad Weyn

Xaqiiqdi tani waa muhiim.

Midowyada shaqaalaha wuxuu sharciga uga baahan yahay inay matalaan dhamaan shaqaalaha kooxda si cadaalad ah oo dhamaystiran. Tan waxaa ku jira kuwa xubnaha aan ka tirsanayn iyo sidoo kale xubnaha midowgaaga. Waxaa sharci ahaan loo yaqaanaa waajibaadka matalaadda cadaaladda ah ama DFR.

Dabcan, uma baahnid in laguu sheego inaad si cadaalad ah u matasho dhammaan shaqaalaha iyadoon loo eegayn midabkooda, diintooda, dhalashadooda, da’dooda, lab iyo dheddiggooda, nooca galmada, ama naafanimada.

Waxaa laga yaabaa inaad ogaato inaad u baahan tahay inaad matasho shaqaale ka soo horjeeda midowga, iyo sidoo kale kuwa aan la jeclayn, oo ay adag tahay in lala shaqeeyo, ama khilaaf ka dhex abuura midowga ama goobta shaqada.

Dhib maleh. Cadaala waa cadaalad. Tani macnaheedu maaha in midowga aanu lumin karin cabasho ama aan samayn karin khalad. Waxay la macno tahay in tallaabo kasta oo aad qaado ay ka madax bannaanaato eex ama wax u eg eexda:

  • Baaritaannadaada dhibaato kasta ama dhacdo kasta waa inay noqdaan kuwo cadaalad ah oo dhammaystiran.
  • Shaqaale kasta waa in lagu wargeliyaa tillaabo kasta oo aad ku qaaddo iyaga magacooda.
  • Waligaa, waligaa ha ku guul daraysanin dacwo inuu wakhtiga cayiman ku dhaafay aawadeed.
  • Kiisasku waa inay ku salaysnaadaan xaqiiqooyin, ee maaha inay ku salaysan yihiin shakhsiyad.

Taasi waa sababta ay aad muhiim u tahay inaad xafido diiwaannada hawlahaaga wakiil ahaan oo ay ku jiraan wicitaanada telefoonka, waraysiyada, waraaqaha, xidhiidhada, iyo go’aamada. Dukumeenti la’aanteed, aad bay ugu adag tahay midowgaga inuu difaaco kiis DFR haddii mid dhaco.

Waajibaadkaada Wakiil Ahaan

Qofna ma qori karo dhammaan waajibaadka kala duwan ee lagu weydiin doono inaad qabato. Waxa soo socda waa qaar ka mid ah waxyaabaha ugu muhiimsan ee wakiillada SEIU ay sameeyaan.

Wakiillada dhammaan ma ahan inay qabtaan wax walba. Midowyada qaar ayaa si kala gaar ah u doorta dhexdhexaadiyaasha iyo wakiillada. Qaarkood waxay weydiiyaan wakiillada shaqaalaha inay wax ka qabtaan tallaabooyinka u dambeeya ee dacwadaha. Waxaad heli doontaa waxyaalahan markaad sii socoto.

Uma baahnid inaad barato dhamaan waajibaadkaaga hal mar. Waxaadna heli doontaa wakiilo khibrad badan leh iyo wakiilo shaqaale oo kaa caawiya inaad shaqo gasho.

  • Baro dhammaan shaqaalaha kooxdaada.
  • Salaan xubnaha cusub oo kacaawi in ay goobta laqabsadaan.
  • Ku qanci shaqaalaha in ay kubiiraan midowga.
  • Ku qanci shaqaalaha in ay kubiiraan midowga. (Tani maahan daabacaad khaldan.)
  • Diwaangeli xubnaha hawlgabka ah.
  • Qoro oo hogaami is-xilqaamayaal.
  • Ka ciyaar door hogaamineed shirarka kooxda. Wargeli xubnaha mar walba . Ka caawi cod bixinta, doorashooyinka, iyo warbixinada.
  • Socodsii guddiyada oo ka qayb gal shirarka guddiyada, adiga oo hagaya marka loo baahdo (iyo marka ay suurtogal tahay).
  • Hayso tilifoonka, ciwaannada iyo liisaska iimaylka ee xubnahaaga oo ah kuwi ugu danbeeyay.
  • Baro dhammaan dhibaatooyinka goobta shaqada.
  • Baar dacwadaha.
  • Warayso xubnaha.
  • Qor oo gudbi dacwadaha.
  • Kala xaajoo maamulka. Tani waxay u dhaxayn kartaa wadahadal aan rasmi ahayn oo lala yeesho kormeerayaasha ilaa dhegaysi gar-qaadasho, gorgortanka heshiiska rasmiga ah, iyo hawsha guddiga shaqada/maamulka.
  • Ilaali foomyada iyo diiwaanada. (Waan ognahay waa caajis, laakiin runtii waa muhiim.)
  • Hayso ciwaanka, telefoonka, iyo macluumaadka iimaylka xubnahaaga oo ah kuwi ugu danbeeyay.
  • Ka shaqee ololaha heshiiska.
  • Abaabul isu soo baxyo, feejignaan, ficilo shaqo, codsiyo, dhoolatus, mudaaharaadyo, iyo hawlo kale. Dhoolatusyada iyo mudaaharaadyada waxay u baahan yihiin hogaamiyeyaal, waxaadna u baahan doontaa inaad warbixin kooban siiso. (Xiro kabo raaxo leh. Noogu kalsoonow midan.)
  • Diyaari wargeysyada, xaashiyaha, wararka saxaafadeed, calamadaha khadka cagaaran, badhamada, istiikarada, bandhigyada boorarkaas faalo qorka, wax kasta.
  • Ka qaybgal xiisadaha tababarka wakiilka.
  • Ka shaqee COPE (Guddiga Waxbarashada Siyaasadda), sharci-dejinta, iyo hawlaha ololaha codbixinta halka la oggol yahay. Tani waxay ku jiri kara lacag ururin, ololayn, xarumaha wicitaanka, waajibaadka goobta cod bixinta, iyo waxyaabo kale oo badan, gaar ahaan wakhtiga doorashada.
  • La samee waxyaabo badan oo kala duwan asxaabta isbahaysiga midowga ee bulshada dhexdeeda.
  • Ka eeg goobta shaqada dhibaatooyinka caafimaadka iyo badbaadada. Ogow meesha OSHA 2000 Log lagu dhejiyay. Dir warbixinnada xadgudubyada federaalka iyo gobolka OSHA (Maamulka Badqabka Shaqada iyo Caafimaadka) oo u raac kormeerayaasha goobta shqada.
  • Ma ahan inad kaligaa samaysid hawshaan oo dhan. Ha ka xishoon inaad weydiisato xubnaha inay ku caawiyaan. Waa hal qaab oo lagaga qaybgelin karo.

Soo Dhawaynta Shaqaalaha Cusub

Ma xusuusataa maalintaada ugu horreysay ee shaqada? Dhab ahaanti ma ahayn maalin aad joogtay xeebta.

Taasi waa sababta mid ka mid ah hawlahaaga ugu horreeya ay u tahay inaad soo dhaweyso shaqaalaha cusub. Waxaad samaynaysaa midan haddii kooxdaadu ay tahay mid furan ama madow, mid guud ama mid gaar ah.

Qaar ka mid ah midowyada deegaanka ayaa u sameeyay kayd lacag ah oo soo dhawaynta laguqarashaynayo. (Haddii midowgaga mid leedahay, way fiicantahay. Laakiin ha u isticmaalin beddelka inaad barato shaqaalaha cusub.)

Haddii aadan haysan kayd lacag ah, markaas waad isku dayi doontaa. (Qaybaha soo socda waxa kuxusun macluumaad kooban oo ku saabsan gunnooyinka, lacag-bixinta iyo xubinnimada midowga sida caadiga ah waxyaabaha ugu horreeya ee lagu weydiin doono – iyo sidoo kale dhowr xaqiiqooyin oo kusaabsan SEIU si ay kuu caawiyaan.)

Haddi taadu tahay dukaan midow ama dukaanka khidmo uruurinta (taasi macneheedu waa in shaqaalaha cusub ay qasab tahay inay ku biiraan midowga ama ay bixiyaan lacag), markaas waxa laga yaabaa shaqaalaha cusub inuu cadaawad u qaado midowga. Tani kaama dhigayso inaan lagula xisaabtamin. Waxaa kaliya oo ay la macno tahay inaad yaraha carooto oo aad samayso dadaal dheeraad ah si aad u noqoto saaxiib iyo caawiye.

Waa kuwan liiska hubinta waxyaabaha laga yaabo inaad rabto inaad ku darto wada hadalkaaga:

  • Isbarta. Weydii meesha ay horay uga soo shaqeeyeen, halka ay hadda ku nool yihiin, qoys ma leeyihiin? Hiwaayadaha? Ciyaaraha? Ku bilow dhegaysi.
  • Bixi macluumaadka: halka ay yaalaan mashiinada wax iibinta (iyo waxa aanan la iibsaneynin), meesha aad aadi karto saacada farxadeed, sida badrooniga uu yahay, qofka maamula garoonka kubbadda cagta, sida aad gaariga raaca la wadaagto.
  • Sii shaqaalaha cusub xirmo soo dhaweyn ah haddii aad mid leedahay. Haddii kale, hubi in ay helaan nuqul ka mid ah heshiiska oo u sharax qodobbada muhiimka ah.
  • Sharax qaar ka mid ah faa’iidooyinka ugu muhiimsan ee uu bixiyo heshiiska midowga, ma aha wanaagga loo shaqeeyaha: mushaharada, daryeelka caafimaadka, fasaxyada, cod ku saabsan shaqada.
  • Inta wadahadalku socdo, xasuusnoow inaad rabto in shaqaaluhu uu bilaabo inuu la qabsado midowga. Mar kasta oo shaqaaluhu ay dhibaato haysato, waxaad tahay qofka larabo in uu arko, ma aha kormeeraha. Midowga waa xubnaha, dadka halkaas jooga oo dhan oo kugu xeeran, maaha qaar aan la garanayn. Haddii aad fahanto labadan fikradood, waxaad qabatay shaqadaada.
  • Haddii midowgaga uu shaqadiisa qabsanayo, waxaa iman doona kulan aad doonayso inaad ku casuunto shaqaalaha cusub. Dhab ahaantii, maxaadan horay ugu wadanaynin? Waxay ku dareemi doonaan raaxo badan markay haystaan qof ay yaqaanaan. (Xusuusnow kan kuugu horreeya?)
  • Hubi in shaqaaluhu uu haysto kaarka boorsada oo ku qoran magacaaga iyo lambarkaaga telefoonka, kuna dhiiri geli inay ku soo wacaan haddii ay wax dhibaato ah qabaan.

Waxaan awood ku leenahay wadajirka.