U Istaag Ammaanka

Maalin kasta kumanaan saraakiil amni ah oo jooga California ayaa u shaqo taga ilaalinta xarumaha ay leeyihiin qaar ka mid ah shirkadaha ugu faa’iidada badan ee dalka. Shaqooyinka muhiimka ah oo mararka qaarkoodna khatarta ah, saraakiil amni oo aad u badan ayaa qaata wax aad uga yar waxa ku filan in qoys lagu biilo mana haystaan daryeel caafimaad oo la awoodi karo in la isticmaalo.

Markay isku yimaadaan, saraakiisha ammaanka ee USWW waxay gacan ka geysanayaan sidii wax looga baddeli lahaa shirkadda oo shaqooyin wanaagsan loogu keeni lahaa bulshooyinka deegaanka. Dhawaan, saraakiisha ammaanka ee Los Angeles iyo Bay Area ayaa ku guulaystay mushahar wanaagsan iyo helitaanka daryeelka caafimaad ee qoys oo la awoodi karo iyaga oo sare u qaadaya heerarka shirkadda oo kordhinaya xirfada, tababarka iyo fursadaha shaqo.

Si aad wax badan uga ogaato dadaalka qaran ee saraakiisha ammaanka ee u halgamaya shaqooyin wanaagsan tag U Istaag Ammaanka