Isticmaal awoodaada
Korarka Mushaarka Janaayo 2025
Tallaabada Siyaasada
Seiu6 Property Services NW
SEIU6 waxay si sharaf leh u matashaa 9000 oo shaqaale ooo kala duwan oo ah nadiifiyeyaasha, saraakiisha ammaanka, shaqaalaha adeegga rakaabka ee garoonka diyaaradaaha, iyo shaqaalaha warshadaha xulafada ah ee gobalka Washington.
Seiu6 Waxay Matashaa Shaqaalaha
Hadafka SEIU6 waa in la horumariyo nolosha shaqaalaha ka soo kala jeeda asalka kala duwan.
Waxaan awood ku leenahay wadajirka dhammaanteed.
“Waan u mahadcelinayaa ururkeena sababtoo ah SEIU6 waxay taageertaa shaqaalaha marka ay arrimo dhibaatooyin kala kulmaan goobta shaqada, waxayna taageertaa shaqaalaha siisaa taageero dad.” —Juanita Palacios
“Ururkeenu wuxuu iga caawiyay inaan helo fasax aan wali kusii qaadanaayo mushaar markii aan u baahday inaan daryeelo gabadhayda markii ay la xanuunsatay COVID-19 intii lagu jiray mudadii aafada.” —Steven Alvarez
“Qof soogalooti ah ka ahaan, ma aanan aqoon xuquuqahayga ama ilaalinada aan u qalmay ilaa aan kala kulmay ururkeena. Ilaa iyo markaas kadib, waxaan awooday inaan naftayda u doodo iyo tan shaqaalaha ila shaqeeya.”—Fatuma Guyo
“Ururkeena ayaa i caawiyay. Waxaan dadka ila shaqeeya u sheegaa in ururka shaqaalaha la'aantiis inaanan heli lahayn maalmo fasax ah ama fasaxyo aan wali mushaar ku helayno.” —Dilemo Kobro
“Waxaan u imaadaa ururkeena marka aan dhibaato ku qabo shirkada aan u shaqeeyo. Waxay awoodeen inay dib iigu soo celiyaan shaqadaydii iyo inay shaqada iiga helaan waax kale oo aan ka helaayo boos sare ayadoo loo maraayo wadida waxbarashada.”—Lauri Hooks