OGOW XUQUUQAHAAGA

XUQUUQAHAAGA SHAQADA

Xubinta SEIU6 ahaan, waxaad xaq u leedahay ilaalada iyo matalaada Midowga sida lagu dammaanad qaaday heshiiskaaga. Haddii aad qabto wax su’aalo ah oo ku saabsan xuquuqahaaga, la xiriir Xarunteena Macluumaadka Xubnaha.

Dhammaan shaqaalaha Ayaa:

  • Si cad ugu biiri kara, u taageeri kara, ama u abaabuli kara midowga
  • Qaybin kara ama qaadan kara qoraallada midowga
  • Xiran kara badhamada iyo istiikarada SEIU
  • Ka qayb qaadan kara tallaabooyinka wadajirka ah ee lagu horumarinayo mushaharadooda iyo xaaladahooda shaqo
  • Isticmaali kara xoriyatul qawlka –
    Haddii laguu fasaxo inaad ka hadasho hawlaha bulshada iyo hawlaha bulsho ee shaqada, waxaad ka hadli kartaa midowga ilaa iyo inta aysan faragelinayn ku yeelanaynin socodka shaqadaee caadiga
  • Xaadiri kara kulamada midowga
  • Cabashooyin ka gudbin kara ku xadgudubka heshiiska
  • Ka dalban kara asxaabtooda inay ka soo qaybgalaan shir ama ay ka qayb qaataan hawlaha kale ee midowga

Maamulka:

  • Naguma takoori karo inaan taageernay ama xubin ka noqonay midowga
  • Nagama celin karo inaan qaybino qoraallada midowga haddii aysan carqaladaynaynin shaqada
  • Nagama celin karo inaan xirano badhamada midowga
  • Nooguma hanjabi karo shaqo lumin, mushahar dhimis ama fursadaha dalacsiin oo lagaa dhimo sababta oo ah waxaan taageernaa midowga
  • Ma faragelin karo xuquuqaheena xuriyatul qowlka
  • Kama qayb qaadan karo shaqooyinka midowga
  • Uma oggolaan karo midowyada kale ama hay’addaha kale inay ka codsadaan ama ka qaybiyaan qoraallo goobaha shaqada iyaga oo noo diidaya isla xaquuqdaas
  • Nama su’aali karo dareenkeena ku aadan midowgeena

Xuquuqaha Weingarten

Xuquuqaha Weingarten waxay xaq u siiyaan shaqaalaha inay wakiil helaan marxaladah qaar “marka uu kormeeraha dalbado macluumaad loo isticmaali karo in lagu saleeyo edbinta.” Haddii kormeerahaaga ama maamulahaaga uu kuugu waco kulan si loo baaro xaalad ka jirto shaqada, waxaad u baahan kartaa matalaada Midowga.

Wax badan ka ogow

Habraaca Cabashada

Haddii aad aaminsan tahay in xuquuqahaaga lagu xad-gudbay shaqada, waxaad cabasho u gudbin kartaa loo-shaqeeyahaaga. Qandaraaskaaga wuxuu leeyahay qodobadda habraaca cabashada ee Midowga uu ka gorgortamay. Waa inaad isku daydo inaad buuxiso shuruudaha tillaabo kasta watiyada la cayimay gudahooda.

Wax badan ka ogow

Waraaqaha Xaqiiq Qorka ee Culeyska Shaqada

Waxaan awood ku leenahay wadajirka.